Nin anban jiray ayaa laga hayaa maxaa laygaga rayn rayn-nayaa beriba waan anbane maalin walba ma Xaaji Cabdi Waraabe ayaa dab demis u noqon!

MAQAAL

 Nin anban jiray ayaa laga hayaa maxaa laygaga rayn rayn-nayaa beriba waan anbane maalin walba ma xaaji cabdi waraabe ayaa dab demis u noqon!
 
 
aqoonta ilaahay SWT ayaa baxsha cilmigana waa la bartaa waxa la yidhi cilmiga iyo caqliga waxa horeeyey caqliga marka laga hadlaayo bani aadamka waayo markii ilaahay SWT uu aadam abuuray ee uu caqligiisa taam yeelay ayuu cilmigana baray markaasuu malaaigta ku yidhi u sujuuda aadam!,
 
xadiis laga soo wariyay nabigeena udgoon NNKH ayaa ahaa sida dhulku u kala macdan badan yahay ee u kala fiican yahay ee uu leeyahay meel biyaha qabata oo dadku manaafacsado iyo meel daaq ka soo baxo oo duuyadu quudato iyo meel diriya ama aan biyaha celin oo dad iyo duunyo toona loo aayin ayuu bani aadamkuna u kala yahay oo u kala gedisan yahay oo u kala qiimi banad yahay waxaad arkaysaa reer ilaa intay jireen ilaahay SWT uu ka soo saaro umad talisa oo hogaanka qabata oo aan ku ceeboobin oo marka mid dhintaba mid kale bedelo iyo qalo aanu kaba dhalin nin hogaamiye ah oo taliya waxase  lagu yaqaan talo raac,
 
somalidu waxay tidhaadaa nin aan telin jirin haduu taliyo nin aan tegi jirin ayaa taga! talo aqoonku maaha inaad noqoto nin tiisa uun yaqaan oo rag yidhaah wax igala soo bax kaasi waxa layidhaah bartii yaqaan bari uma korodho!,
 
nin magan la odhan jiray ayaa yidhi
 
rag waxaan ku maamuli ama ku maamuusi 
mase inaan nahay oo talo meerto nootahay
nin kii se iga maarmi kara uma muraad yeesho
masalaha nin kaan ii dhigayn midig masaaraayo! 
 
waxa uu taas uga jeeday abwaan magan in taladu ay tahay wax lawada leeyahay oo hadii qof gaari iska maroorsado ay meesha ka baxayso wixii lawada lahaa kadibna ismaan dhaaf imanayo kadibna danwadaagtii wada taalay dhimanayso oo burburayso,
 
garaad wiil waal ayaa isna laga hayaa 
 
nin raga hooyadiina u tu-iyay oo walaal wax uu ku dhaamaa lasoo waa!
 
waxa somalidu tidhaah daa maanrag waa mudacyo afkood! hadii maanku is dhaafo oo talada cidgaari maroorsato dhibaato ka hoaraysa ma jirto waaba laga ducaystaa oo waxa la yidhaah ilaahow maradayada mooyee yaanu maankayagu isdaarin! ilaahay SWT ayaa quraanka inoogu sheegay oo yidhi (laa tanaasacuu wa tafshaluu wa tad haba riixakum) ha murmina oo hadaad murantaan waad fashilmaysaan hadaad fashilantaana waxa tegeya baawar kina ama awoodiina iyo isku duubnidiina! taas uu ilaahay SWT inooga digayo waxay ku imanaysaa marka taladii lawada lahaa ingaari isa siiso oo weliba meel daran ka tuurto!,
 
hadaan u soo noqdo dulucda qoraal kayga Somaliland halkan ay marayso waxay ku soo gaadhay talo wadaag iyo isu tanaasul iyo maamulka dowliga ah oo ahaa mid qori isku dhiib ah oo maamulba mid kale ka dhaxlay maanta hogaanka dalka waxa loo doortay mudane axmed siilanyo oo hore u ahaa ragii halgankii SNM ee dalka lagu xoreeyey qaybta libaax kasoo qaatay maalintii uu doorashada u tartamaayay waxa u hiiliyay oo codkooda siiyay shacabka Somaliland intiisa badan waxaanay u arkaayeen nin og oo xogogaal u ah waxay shacabkani doonayaan ee tabanayaan waayo waa nin dhib iyo dheefba la soo qaybsaday! oo baahidooda aan looga sheekaynayn,
 
mid kalena way ka fekereyeen shacabka reer Somaliland waxay lahaayeen axmed siilaanyo isaga ayaaba dalkan dhibtii loo soo maray wax ka soo arkaye dheef tiisana bal maruun wax haka dhadhamiyo! nasiib daro taas waxaad moodaa inay maanta quus ka taagan yihiin oo taladii lala jeclaystay ee lagu aaminay aad moodo inuu cid aan geyin oo weliba loo dooran isaga iyo dalkana aan u tudhayn uu gacanta u geshay!,
 
waxa hubaal ah inta khalad ka dhacay dalka ee weliba khatarta gelisay inaanu madaxweyne axmed siilanyo aanu wax ka ogayn waayo dadka aqoonta u leh madaxweynaha ee weliba lasoo shaqeeyey waxay dabeecadihiisa kaga waramaan markay faalaynayaan hab maamulkiisa waxay ku sifeeyaan nin aan laga fujin Karin qofka uu markaas ku dhego xitaa haduu khaldan yahay taas waa dabeecadihiisa laakiin waxay ku doodayaan inuu yahay qof dadka iyo dalka jecel oo aan rabin inuu haadaan uu arkayo ka tuuro nasiib darada taalaa waxay tahay qofkaas uu ku dhegen yahay haduu dalka iyo maamulkiisaba baabi-inayo waxaan laga karayn qofkan dalka iyo dadka iyo adigaba dani uguma jirtee iska eri! waa mushkilad aan xal loo helayn,
 
tusaale aynu u sooqaadano wasiirkan madaxtooyada u qaabilsan ee xirsi cali xaaji xasan markii uu mudo shaqada hayay ayay ka soo boodeen bulshada dalka ku nool iyo intii shaqaalaha ahayd ee wasaarada madaxtooyada hoos imanaysay markii ay dami wayday qayladii wasiir xirsi ka imanaysay ayay isasoo abaabuleen odayaasha iyo wax garadka kasoo jeeda beesha madaxweynaha iyaga oo nin hebel layidhaah aanu u maqnayn  waxay madaxweynaha ku yidhaah deen anagu magac ayaanu kula wadaagnaa dalka na adiga ayaa laguu doortay hadaad taariikh ka tagto wacan intaad xukunka hayso anaga taas ayaa sharaf gaara noo-ah wixii manfaca ee dalka u soo kordhana Somaliland oo dhan ayaanu la wadaagnaa waxase anaga noogaara hadii maamul xumo aad ka tagto waa mid aanu umada dheernahay waxaanu kaa cod sanaynaa inaad shaqada ka fadhiisiso wiilkan yar ee aan waayo aragnimo siyaasadeed lahayn ee dalka kaga qaylisiiyay shaqada uu hada hayo intaas oo nin oo siyaasiyiina oo ka waayo aragsan kaad doonto ku bedelo!
 
wuu ka diiday waxaanu ugu jawaabay xirsi nin aan u maqlayaa ma jiro ee iska taga! waa kaas maanta dalkii oodhan khatarta geliyay ee gaadhay inuu burburiyo baarlamaankii dalka looga talinayay hadii aan ilaahay SWT aanu maanta xildhibaan xaaji c/kariin (cabdi waraabe) dhacdadan ku qaboojin oo aanu u soo dirin maanta weji kale ayay yeelan lahayn baarlamaan baan jireen xukuumad iyo madaxweyne la ixtiraamo ayaan jireen ciidan iyo police baan jireen nin waliba tuuladuu ka yimid ayuu isaga caraabi lahaa! waxa uu siilanyo madaxweyne  ku yahay waa sharciga iyo dastuura aynu qoranay kaas ayaa qof kasta oo masuul qarana xasaanad siiyay hadii kii la dhigtay lagu dhaqmi waayo oo mid jeebka lagala soo baxay dalka la keeno oo nin aan dadka iyo dalka u tudhayn uu damco inuu sharcigii burburiyo meesha waa lagu kala dhaqaaqayaa bal u fiirso waxa deriskaaga haysata kuwii aad shalay kamidka ahayd ee reer somalilaya sowtaas ay soo qaban kari la yihiin wixii ay shalay burburiyeen ee ay ilaahay SWT ka baryayaan inay maruun cagaha isku taagaan oo dowlad noqodaan!,
 
waxaan ku soo xidhayaa qormadan dalka halaga qabto kuraygan aan aqoonta lahayn ee aan dusha lahayn ee afxumada aftahanimada mooday ee weliba intuu awooda aanu lahayn maroorsaday ee siyaasadii qabyaalada iyo nin jeclaysiga ka dhigay ee xisbiyadii dalku ku midaysnaa reer reerka u kala saaray hadii kale meel aan dhawyn oo aan laga soo qaban Karin ayuu geyn!.
 
 
Aadan Axmed Nuur