nin meeli u cadahay meeli ka madow waxa kadhigan kooxda Madaxtoyadu dabada ka riixayso…

Subject: nin meeli u cadahay meeli ka madow waxa kadhigan kooxda madaxtoyadu dabada ka riixayso by-ahmed lababaale
Date: Sun, 16 Feb 2014 04:09:43 +0800

 
Dhex dhexaadintii laga waday khilaafkii ka dhaxeeyay labada dhinac ee is haya garabka ay xukuumadu dabada ka riixayso iyo garabka gudomiyaha golaha wakiilada oo natiijo la.aan kusoo dhamaaday saaka .laguna kala kacay …
Hadaba maxaa sababay arinkan natiijo la.aanta ah.
Waxa sababay kadib markii garabka gud.wakiladu ogolaadeen in lagu soo celiyo halkoodii labada gud.kuxigeen codkoodii 55 lagaga qaadayayna loo daayo .ayaa waxaa diiday arinkaaa garabkii kale ee xukuumadu dabada ka riixaysay oo aad moodo in arinka loo soo dhiibay ee ah in gudomiyaha codka lagaga qaadayo laga dhigo 42 cod ay ka tanaasili waayeen 
.taas oo ah ayaan daro wayn oo waanwaantii iyo isusoo dhawayntii ay ka door bideen ..go.aanka looga soo dhiibay madaxtooyada .waxay markaa xalku noqday in xildhibanadii iyagu dhexdhexaadinta kawaday golaha dhexdooda arinkii dib ugu riixaan odayaasha gurtida…
hadaba bal waxaynu eegnaaba waa go.aanka ay gaadhaan odayaashu..
Waxase aan iyadu marnaba meesha ka bixi doonin khilaafka iyo isku eriga xildhibaanada golaha dhexdooda iyadoo meesha ay ka baxday isu calool xaadhnaantii  xildhibaanada golaha dhexdiisa iyadoo gacan kale oo ka awood waynina ay maamulayso golahii shacabku soo doortay.
Waxayse u taalaa shacabka somaliland in aanay ka indho qarsan kana aamusin wayaabaha fool xumada ah ee kasocda golihii ay fartooda ugu codeeyeen .
Walaahu waliyu tawfiiq
Qalinkii .ahmed lababaal