Nuxurka Weedhihii Xafladii Xalay Iyo Golaftankii Xirsi Ee Liverpool+Dareenka Rashiida

image

MAXAA XALAY KA DHACAY XAFLADII LIVERPOOL  40 XEER BAAN LA IMI GOLAHA BAARLAMANKA

OO AAN MIDNA LAYGU CELIN GUDOOMIYUHUNA WAXA UU LA BAXSADAY XEER HOOSAADYAR  

NIN REERKAN KA DHASHAY AH AYAA REERKIISA WAA LABADIISA WIIL IYO LABADIISA XAASE

LA LEGDAMAY MARKAASU MIDBA JEENI SIIYAY MARKII UU AFARTIIBA KA ADKAADAY EE LEGDINTII

KAGA ADKADAY AYUU MAGALO YIMI HALKAANA NIN LIBAAX AH AYAA KAHELAY OO INTA AY 

LAGDAMEEN  BEERKA LAGA FADHIISTAY SANKANA CAANO KA KEENAY  CIYAARIN WAA GELIN DANBE

HADALADII XIRSI AYAY KAMID AHAAYEEN EE LIVORPOOL KA DHACAY

 

Waxaan maqaalkaygan ku iftiiminayaa ujeedooyin badan oo horeba aan uga faalooday 

kuwaas oo ahaa ama ka bilaabmaayay waa maqaaladii hore wixii aan ku qoraye 

Maxaa faa´iido inoogu jirta wadahadka SOMALILAND IYO SOMALIYA

Maxaa dan ah ee ugu jira  ama maxaa natiijo ah ee laga gaadhayaa SHERKADA layna leeyahay

DEKEDA BERBERA hala wareegto,  Iyo SHIIDALKA SOMALILAND cidii xaq uleh ama habka 

loo soo saarayo, IYO waa ayo M/J/S/LAND. been maaha cidii manta madax wayne inoo ahi waa muuqataa 

 

Aduunkan aad aragtay umada joogtaa waxa ya ukala qaybsan yihiin midi waa manfac doon midina waa 

magac doon midina waa nin aakhiradiisa u tudhanaya, hadba maxaynu odhan karaa MADAXWANYNAHA 

SOMALILAND MUXUU TAARIIKHDA KA GALAY AMA UU KU SUNTAN YAHAY, SIILANYO waxa uu noqday

ama kusuntamay xoolo doon iyo in uu reerkiisa ugu tago magac SOMALILAND waxa uu siistay reerkiisa

iyo naftiisa taana waxa kuu cadaynaysa  iyadoo horeba cadaan u ahayd habeenkii xalay ahaa  iyo xafladii

LIVERPOOL KA DADHCDAY.

 

Hadaan hoos u raaco M/J/S/LAND mawaxa uu madax weeyne u noqday REERKIISA OO KHAASA AH 

haa taas ayaa dhab ah hadii aanay ahayn dee madaxwaynaha SOMALILAND waa in uu ogolaado 

mudaharaad iyo soo dhawaynba waayo kaa maanta ku mudaharaadaya waxa qaboojin kara hal kelmad

oo  uu u jeediyo madaxwaynuhu isaga oo ka raali ah mudaharaadka shacbigiisa, waayo waa in ay isugu 

mid ahaato halka laga soo dhawaynayo iyo halka lagaga mudaharaadayo labaduba waa soomalilander

waa shacbkii uu masuulka ka wada ahaa, SIILANYO ma waxa uu doonayaa in aanu arag xumaantadiisa

oo aanu maqal waxa qaldan ee uu sameeyay ee loo sheegayo taasina maaha hanaankii DIMUQURAADIYADEED

ee reer SOMALILAND ku soo nabad iyo caanamaaleen.

 

Xafladii xalay ka dhacday ingriiska waxay ahayd xaflad reer nimo ee may ahayn xaflad lagu soo dhaweeynaayay 

madaxwayne qaran, ceebtii WATERGATE ayaa ka dhacday halkaas sababtoo ah sidaan hore usoo sheegay 

madaxwayne waa layaqaan sumcada uu ku leeyahay umadiisa uu masuulka ka yahay waxa ay kaga haboontahay, Hadaba taasi dhacday ee maxaa goobtaa ka dhacay hadaladii isdaba joogay ee ay raga qaar 

ku qudbadaynayeen wax isdhaama meeshaa ma jirin oo aan is idhaahdo waa lagu qanci karayay ama waa wax

dhab ah oo jira, Hadii laga tegiwaayo  M/W/SIILAYO ayaa soo gabagabeeyay oo shacabka reer somaliland 

meel haka soo wada jeedo ayaynu maqlaynay.

 

Maah maah ayaa ka dhacday halkaa inta aanan maah maahda ku horayn waxa goobtaa ka dhacaday in u 

XIRSI marlabaad soo celiyay in uu isgu yahay MADAX WAYNE waayo khudbadii uu akhinaayay waxa iska 

leh oo masabkiisa aytahay MADAXWAYNE AXMED MAXAMED SIILANYO waayo isagaa xaq uleh in uu 

shacabkiisa u waramo oo uu uga xaal waramo waxa uu khaladka ku leeyahay ee markaa ka dhacay 

iyo waxa horumar ah ee uu sameeyay  dhaliil iyo amaan waxa ay leeyihiin labada XISBI MUCAARAD iyo 

golohiisa wasiiradu wixii hormar ah ee ay sameeyeen.

 

Xirisi waxa uu marlabaad sidii caadadu ahayd ka war bixiyay WASIIRKA KHAARAJIGA WAXQABDKIISII

WASIIRKA MACDANTA IYO WAXQABDKIISII WASIIRKA ABNIGA iyo ISAGA OO HOGAANKII AHABA 

waayo dee intaas oo dhan waxa masuul ka ah ama afkiisa ay tahay madaxwayne siilanyo balse may dhicin

ee waydinkaa arka in uu ku sii adkaysanayo mansabka uu ka hayo wadanka ee raalida lagaga yahay.

 

XIRSI waxa uu sheegay maah maah maah maahdasi waxa ay ku socotay GUDUMIYHA GOLAHA BAARLAMNKA

IYO 42 mudane ee xeerkaas u codeeyay, XIRSI waxa uu ku soo halqabsaday nin reer kooda ah oo riyoola ahaa

ninkaasi waxa uu inoo sheegay in uu reerkiisii ka awood badnaaday dabdeedna uu mgaalo yimi kadibna 

uu  helay nin libaaxi  legdameen dabdeedna beerka lagaga fadhiistay ninkii reerkiisa legdanka 

kaga adkaaday sankana uu caano ka keenay. XIRSI waxa uu inoo sheegay in uu 40 xeer oo kuwa ugu sareeya

ah DASTUURKA uu la hortagay GOLAHA BARLAMANKA midna aan lagu soo celin ee siduu yahay loogu 

anisixiyay, GUDOOMIYHA BARLAMAANKUNA uu maanta xeer hoosaad daciif ah la baxsaday balse aanu 

taa kuladayn ee uu u soo socdo ciyaarina ay gelin danbe tahay.

 

Taasi  maxay inoo cadaynaysaa ee halkaa aad ka dareemi kartaan in isagu waxa uu doono fulin karo 

labada GOLE QARANA aanay awood kulahayn wadanka wuxuu isagu soo laqimo mooyane aanay wax kale

ka soconkarin tanina ay mucjisaba ku noqotay balse uu soo celin doono waxaanse ogahay in maanta

xaqu kala cadaan doono  eeda se xirsi saari maayo e GUDOMIYE CIRO ayaan sarayaa oo hore u siiyay 

awooda uu maanta ugu faanayo hadii aanu ku dhex milmin markii hore oo uu hangool iskaga qaban lahaa

xirsi maanta kuma hanjabeen in uu yahay baawarka SOMALILAND:

 

WABILAAHI TAWFIIQ

RASHIDA SULEIMAN JAMA

Â