Odayaal dhaqameed Silaanyo arki kari waayey oo loo diiday By Abdi Mustafe

42siilaanyo2
Odayaal badan oo beel walba le ayaa isku deyey in ay Silaanyo la kulmaan maal mahan buuqu golaha wakiilada ka taaganyey hase yeeshee uumay suura gelin oo waa loo diidey in ay arkaan. Odayadu waxay doonayeen in ay Madaxweynaha ku yidhaah dalki meel khatara ayuu marayaa ee wax ka qabo. Odayaal gaara oo beesha silaanyo ka soo jeedaana laba jeer bay iskaga daba noqdeen laakiin way la kulmi kari waayeen Silaanyo. Mar walba wuxuu Silaanyo necebyey cidii ka cabata Xirsi iyo Xaas kiisa. Bal se intaan isagaba la gaadhin Amina Weris oo fahmeysa waxay odayadu soo wataan ayaan u suura gelinin in ay la kulmaan madaxweynaha. oon weliba la rabin in la ogaado xaaladiisa caafimaad sidey ku sugantahay.
Kacaankan iminka JSL ka taliyana waxa aad u muuqata in Amina Weris arin aanay goob joog ka ahayn la fulin karin. Dabeed na Xirsi oo maqiiqan baa fuliya arimaha oo dhan. Ma dhici karto in Silaanyana ogolaan lahaa in gabadhiisa shicibku hadal hayaan mar walba haduu in uun fayow yey.
Nin gabadhiisa u cadow ihi aduunka ma jiro. Markaa waxa kuu cadaaneysa in aan Silaanyo dalka xukumin oo weliba aan cidina arki karin. Silaanyo haduu caafimaad qabo TV ga ayuu soo fadhiisan lahaa oo uu shcibka kala hadli lahaa isagoo le waannu dejineynaa xaalada ka abuurantey Golaha wakiilada. Arinka golahu wuxuu sabab u noqon karaa in ay dalka dib uugu celiso dagaal sokeeye.
Talada dalka ee gacanta uugu gashey Dumar, Xirsi iyo Morgan lagu bad baadi maayo dalkuna jar buu ka sii lushaa madfaxtooyaduna dan iyo muraad toona kama laha wixii burburaya ee hadab sidii looga bad baadin lahaa dalk falowgeed ha la qabto oo dhalin yaradu ha toosto. Tunis ba wiil qudha ayaa aakhiro u direy intuu is gubay. Silaanyo waa marfuuc al-qalam oo denbi malaha ee waxa jirta in aanay u naxeyn dadka intii uugu xigtey oo ay uugu horeyso qoyskiisu.
Isku soo xoori waxaan leeyey Amina Weris iyo Xirsi iyo Morgan iyo Zamzam oo la taliyaha khaaska ah ee Marwada maalinta xukunku is bedelo maxaa idiin qorshe ah ileyn Somaliland la idin kama jecla e. Fili maayo in shacabku idinka yeelayo in aa Silaanyana qasriga madaxtooyada ku qarisaan idina aa waxaa doon taan fashaan. Silaanyo haduu caafimaad qabo qudbad 30 minute ah TV ha ka akhriyo oo aan weliba suaal qudhana la weydiin….Kari kari maayo waana la hubaa.