OGAYSIIS: SHIRKA 1DA MARCH 2014 EE QURBAJOOGTA ISAAQ EE DEEGAANKA ISMAAMULKA SOMALIDA EITHOPIA.

OGEYSIIS

Waxaa la ogaysiinayaa dhammaanba qurbajoogta ku nool UK iyo
dalka kale ee Yurub imankara ee ka soo jeeda degaanka ismaamulka Somalida Ethopia gaar ahaan degaanka Beesha Isaaq in
shir balaadhan lagu qabandoono magaaladda London 1da March 2014.

Shirkaas oo ay gaban qaabinayaan Guddida Guud ee Qurbajoogta
Deegaanku ee imika weli xilka sii haysa. 

Shirka waxaa lagu lafa guridoona
baahida degaanka  wixii ka qabsoomay
dhinaca dawladda iyo waxa weli dhiman in la dabagalo intii ay beeshu is abaabushay lana kulantay dawladda, inkastoo horeba ay dawladu wax u qabatay tabashana jirtay.

Waxaa kale oo iyana ka mid ah qodabadda shirka sidii loo
tayanlahaa, loona xoojinlahaa Guddidda iyo  in laga wadda hadlo sida ugu haboon ee
dawladda wax loola qaban lahaa waxna lagoo qabsan lahaa wadda jir.

 Diirigelinta Ilaalinta
nabadgelyadda dhinaca beelaha deriska iyo beeesha dhexdeedaba  iyo xasiloonidda degaanka guud ahaanba ayaa
iyana ka mid ah qodobadda ugu mudan shirka.
 
Haddaba shirka waxaa lagu qabandoona Selby Centre, Selby Rd.
Tottanham N17 8Jl maalinta saabtidda ee 1da  March 2014.  Shirku wuxuu
bilaabmidoona dhamaanadoona saacadaha 13:00 – 18:00.

Dhammaanba ka soo qayb galayaasha waxaa lagu adkaynayaa in
ay xiliga kulanka dhawraan.

Wixii faahfaahin ah kala soo xidhiidh:
Maxamed Xasan Jafaal              079808424673
Xuseen Saleeban Dantiihaye      07930636823

Wabillahi Tawfiiq
 M Arrale