Ogeysiis…Maalinta Sabtida ah 22ka bisha February 2014ka ayaa TVga caalamiga ah ee Universal TV oo

Universal-TV 1

 

 

 

 

Maalinta Sabtida ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 22ka bisha February 2014ka ayaa TVga caalamiga ah ee Universal TV, uu marti-gelin doonaa barnaamij gaar ah oo ku saabsan siyaasadda Somaliland. Barnaamijka ayaa ahaan doona mid dood ah oo ay ka soo qeyb-geli doonaan labada xisbi siyaasadeed ee kala ah KULMIYE iyo UCID ee Somaliland. 

Waxay doodu ahaan doontaa mid si guud xooga loogu saarayo arrimaha siyaasadda ee Somaliland, waxaana ka mid ah:

1- Arrimaha Dimoqoraadiyadda.
2- Dowlad-wanaaga.
3- Xoriyadda Saxaafadda.
4- Wax-qabadka Dowladda Somaliland.
5- Muranka Golaha Baarlamaanka.

Iyo weliba mowduucyo kale oo taabanaya guud ahaan nolosha dadweynaha ku nool deegaanada hoos yimaada Somaliland. Waxaa barnaamijka marti ku ah xubna ka kala socda labada xisbi ee kala ah:

1 – Xibiga KULMIYE oo ah xisbiga haatan haya talada Somaliland.
2 – Xisbiga UCID oo ah xisbi mucaarad ah oo ka mid ah xisbiyada ka dhisan Somaliland.

Wuxuu barnaamijku hawada soo geli doonaa 6:00pm fiidnimo ee xilliga UK, ahna 9:00pm fiidnimo ee Bariga Afrika. Waxaadna sidoo kale barmaaijka si toos ah aad kala socon kartaa: www.tvuniversal.netInsha’Allah.

Wixii faah-faahin dheeri ah waxa aad fadlan la xiriirtaa bahda barnaamijka oo aad kala xiriir kartid ciwaanada hoos ku qoran: 
Email: a.hafid@tvuniversal.net AMA Twitter: @ABDIHAFIDUNIVTV AMA Facebook: Arrimaha Bulshada on Universal TV.

Mahadsanidiin 

SOMALILAND ADVERT DOOD
http://www.youtube.com/watch?v=Io4X8Co1qY8&feature=youtu.be