Qaranimada Somaliland ha la difaaco.

Qaranimada SL ha la difaaco

MAXAMED

Xukuumadda Somaliland weerarka gardarada ah ee baal marsan shuruucda dalka ee ay ku soo qaaday Golaha baarlamaanku waa mid  galaafan karta xasiloonida ay mudada reer Somlailand ilaashanaysay.

Xukuumadu waxay caadaysatay oo u hirgalay dulmi badan oo ay kula kacday umadda reer Somaliland iyadoo aan u aabo yelayn yaa muxaafid ah iyo yaa mucaarid ah, tusaale waxa kuugu filan madaxdii dhalisay guusha kulmiye iyo sidii loo galay, shacabkii kulmiye doortay, sida reer Axmed dhagax oo aynu wixii ku dhacay ogayn. Waxaynu ognahay dulmigii ka dhacay doorashadii degaanka, Waxaynu ognahay Mujaahidiintii iyo axsaabtii damcay inay xukuumadda toosiyaan iyo halka lala maray, waxaynu ognahay cabashada ka taagan gobolada dalka iyo degmooyinkiisa, waxaynu ognahay cadaalad darada shacabku tirsanayaan ee gaadhsiisan biyaha lacabayo IWM.

Waxaynu hada arkaynaa Xukuumadii oo si qaawan ugu duushay golihii baarlamaanka ee dastuurka dalku cadeeyay inaan xukuumadu faragelin Karin. Waxay u muuqataa in xukuumadu sharciga ay ku shaqaysaa aanu ahayn ka Somaliland iyo ka kulmiye toona. Waxa in badan laga hadlay in xukuumadani ay burburisay nidaamkii dawladnimo ee aynu dhisanay. Waxa hadda ugu dambeeya oo ay xukuumadu u soo faydatay waa golihii wakiilada.

Waxa in badan laga hadlaa in xukuumadan ay ka go’an tahay in ay mudada kordhisato oo aan sinaba looga qaadin xukunka.  Hadii ay sidaa tahay oo waxay xiisada u abuuraysaa uu ayahay aad kordhisatid, Waxaan is waydiinayaa ma la baajin karaa dhibaato ay dawladii dalka xukumaysay abuurayso? Waxaan is waydiinayaa hadii ay xukuumadu awooda dawladda iyo ta baarlamaanka iyo ta xeer ilaalintaba isku darsato, dhibka iyo dulmiga ma joojinaysaa? Mise intaas oo awoodoodba waxay u adeegsan doontaa si qaawan oo aan cidna loo joojinayn cadaaladina ay ka dheertahay? Waxaan is waydiinayaa Xukuumadda aan dhaqankeeda arkaynaa diyaar ma u tahay in kursiga madaxtooyada doorsho lagaga helo?

Hadaba waxa is weydiin leh sidee loo joojin karaa dulmigan iyo burburkan gaadhay in xukuumadu aanay qarsanayn in ay baarlamaanka ku duusho? Waxaan u arkaa in aanay jirin wado kale oo furan oo aan ahayn in xukuumada laga diido oo si badheedh ah loogu sheego in aanay guul ka gaadhayn sharcidarada iyo dulmiga ay u tafa xaydatay. Waxaan u arkaa hadii xukuumada laga horbaydho oo wax walba iyada loo sii daayo in aynu ragaadka uun isku sii fogaynayno oo maalin walba mid tii hore ka daran ay la soo bixi doonto. Hadii xukuumadda lagu qaban lahaa caruurta magaalooyinka dhexdooda rasaasta lagula dhacay, manta xukuumadu kumay dhiirateen in ay tidhaahdo baarlamaanka ayaan beerka kaga fadhiisanayaa. Hadii dulmigii ka dhacay doorashadii degaanka lagu qaban lahaa manta baarlamaanka kumay soo dhiirateen. Hadaba shacabka iyo axsaabta iyo aqoonyahanka Somaliland waxaan leeyahay Xukuumadani waa xukuumad aan aqoon ku socon oo ishii qaate ah, hadii aynu dulmiga ay wado ku sii daynana dhibaato badan ayay dalka gaadhsiinaysaa, hadii aynu diidnana way joojin oo khasab ayay ku joojin, hadii maalin walba khaladka ay gasho qaar inaga mida, oo wax aan sakaaro-ka-biirsan dhegta loo saaray difaacaanna Mustaqbalka Somaliland waan u baqayaa. Waayo caqliga xukuumadu waa kaa aynu aragno.

Gudoomiyihii Guurtida ee fadhiisan waayay markii kulmiye is qabtay mee? Golihii guurtida ee shalay ergada ahaa ee shirka baarlamaanka noo joojiya yidhi maye? Ergadii ay galeen meeday? Halkay ku dhamaatay? Somlailand ma waxa u dambeysay qabyaalad indho la’  oo aan laga xishoonayn?. Dawladeey “Durduro geel baa ku jaba, damaacina waa xunyahay”.

Xukuumadeey waxaanu didin leenahay umadu way aragtaa qaska iyo gardarada aad wadaan. Wixii ka yimaadana idinkaa masuul ka noqon doona. Markaa bal yaan xooga dawladnimada iyo xaragada madaxnimadu idin luminine, dhul u dhaciina hubsada. Bal is waydiiya imisaa madax umadooda dhibtay aduunka soo maray iyo halkay ku dambeeyeen.

Allaa Mahad leh.

 

 

Mohamed A Issa

Xubin Gudiga Arimaha Debedda WADDANI