QORMADA QURBE-JOOGGA….. DALXIISKA DALKA HOOYO IYO DAREENKA CARUURTA

QORMADA QURBE-JOOGGA

amran

DALXIISKA DALKA HOOYO IYO DAREENKA CARUURTA

Qurbe-joogga ku nool wadanada reer galbeedkay ayaa qorshe iyo jaangooyo hufan u gala sidii ay u suuro galin lahaayeen inay xilliga dugsiyadu xidhan yihiin ugu fasax tegi lahaayeen iyaga iyo ubadkooduba dalkoodii hooyo iyo eheladooda ay u boholyoobeen. Socdaalkaasi wuxuu kalifaa kharash aad u badan iyo iyagoo jid dheer iyo saacado badan oo ay hawada ku soo jiraan beegsada.  Dhibtaa iyo dhakafaarkaa waxay ku ilaawaan marka ay diyaaraddu cago dhigato madaarada  gaar ahaan ka magaalada Hargeysa oo ah caasimadda Somaliland ahna meel marka u horeysaba cimiladeeda iyo laydheeda macaan ay naftu ku raaxaysanayso markaad salaanka diyaaradda  gaadho.

Waxa kaloo qurbe-joogga khaasatan caruurta wadanada shisheeyaha ku dhalatay farax geliya markay arkaan dal ay leeyihiin iyo  dad Somali sooc ah oo siqiir iyo kabiir, taajir iyo faqiir wajigooda farxadi iyo soo dhaweeyni ka muuqato.

Dalxiis iyo ray-rayn ayey qoysaska ku qaataan wakhtigooda , waxaanay inta badan tagaan hudheeladda quruxda badan ee ka dhisan halkaas oo ay ka heli karaan cunto dhandhan macaan oo daray ah. Haddaba in kastaa oo ay waalidku ka tusaan  caruurtooda wax kasta oo xiiso u galin kara dhulkooda, ayaa  mararka qaarkood waxa dhacday inay caruurtu la kulmaan cunsuriyad iyo af-lagaado kaga timaada caruurta iyo dhalin yarad dalka sii jooga. Tiiyo ay had iyo jeer ku tilmaanaan inay yihiin DHAQAN CELI, LAGA QUUSAY, WAAQ QAC iyo ereyo kale oo badan oo deelqaaf ah.

Arrimahaasna waxa u sabab ah dhaqanka kala duwan ee qoloba qol ku qaabilayso iyagoo laga yaabaa inay qoysku qudha ka soo wada jeedaan, sidoo kale caruurta qurbaha ka taga oo af Somaaligoodu liito ama aan aqoonba.

Waxa kalooy kula yaabaan kuwa dalka sii joogay caruurta dalxiiska ku timi oo aan in wax loo sheego ama la xusuusiyo mooyaane aan inta badan is maamulin ee had iyo jeer hooyada ka suga inay tidhaa: hebel wax cun, kanoow soo cadayo, cumarow adna feedho iyo wixii la mid ah.

Mararka qaarkoona waxa dhacda inay caruurta ku dhacaan xanuuno iyo la qabsan waa noloshayaash inta yar ee ay fasaxa ku joogaan.

Dacaayada iyo foorjeyntu caruurtoo qudha kama timaadeen dalka waaweyn laftooda qaarkood waxay ka soo tebiyaan hadallo la yaab leh, gabadhii ay arkaan ba yidhaa waa single mother oo guur bay u soo safartay.

Waxa dhacday in hooyo qurbaha ka tagtay ay caruurtii ka xanuunsatay. Tiiyo kolba dhakhtar kula tacaalaysa, ayaa waxa maqashay qaar kale oo ay jaar noqdeen.  Dumarkii ayaa is weydiiyo : Naa gabadhii timi maxaa heli?

Tu kale ayaa u jawaabta: Dee caruurtii baa ka wada xauunsata. Ka dibna mid ba intay soo booday tidh: Alla oo naa ma markii hore ayey wax caafimaad qab wadatay. Ma waxa caafimaad qabay wixii la lahaa: Ma cadayateen ma cunteen iyagoo dad waayeyn ah. Hadalaas oo noqday mid hal haysa ah, iyo qaar kaloo badan.

Waa qalinka : Amran M.Axmed

Â