QORMADA QURBE-JOOGGA FARTIYO WADNAHA ISKU QABO

QORMADA QURBE-JOOGGA

FARTIYO WADNAHA ISKU QABO

amran

Qormada qurbe-joogga oo aan Jimce kasta idiin ku soo bandhigo

qormo  mataaneysa  dadka qurbaha joogga iyo dalkii, ayeynu ku soo qadan doonaa xaaladii dalku maraayey ayaamahii aynu soo dhaafnay iyo muwaadiniita reer Somaliland ee qurbuhu siday u arkayeen.

Waxaynu  wada ogsoon yahay in Somaliland ay ka aloosnayd  khalkhal siyaasadeed oo soo kala dhex galay golaha  wakiilada kii ugu weynaa tan iyo intii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni isu taageeda. Arrinkaas oo ku noqday dadka reer Somaliland guud ahaanba mid ay farta iyo wadnaha isku qabteen iyagoo aad uga walaacsan sida uu xaalku ku dambeyn doono.

Dadka reer Somaliland waa muwaadiniin jecel  dalkooda meela qudhana uga soo wada jeeda jirtaan kooda qaranimo. Waxaana kuu cadaynaayey dhul gariirka ay dhigaan dabal-degga 18 May, kaasoo sannad ba sannadka ka dambeeyey wacdaro lagu muujiyo u quus gooya cid kasta oo hawaysanaysa in ay mar labaad loo gacan haadin karo.  

Waxa hadaba la yaab ku noqday qurbe joogta, in lagu eedeeyo ama ay cadaatayba dawladdu inay faro gelin ku lahayd mashaqadii halkaas ka dhacday. Qurbe-joogtu laba su’aallo ayey is weydiinayeen, kuwaas oo ah:

  1. Dawladdu ma heshiisyo dahsoon bay la gashay shirarkii ay Somalia la yeelatay, oo waxay horseedaysaa xasilooni darri Somaliland ka dhacda, waxay horseedaysaa sidii ay  oodda uga qaado Amison, ka dib lagu  dambeyo dawlad goboleed, tiiyo  eedana ay shicibka u xamaarinaysa.

  2. Dawladdu ma cimri dherer bay ka dhiganaysaa oo waxay doonaysaa in aan food dambe dalka ka dhici, oo muddada  loo kordhiyo,  taas oo ay ugu  quus gooynaysaa xisbiyada mucaaridka ah.   

Waxa kale oo runtii ummaddu ay dhammaantood  markhaati ka ahayd in si ka dhan ah xuquuqda aadamaha guryahooda laga qafaashay madax dhaqameeddu ay beel reer Somaliland ka mid ah maamuus weyn ku leh xoriyadooda laga qaado, tiiyo aan wax sifo sharci ah oo loo maray jirin.

Arrinka kale uu cadaatay muwaadiniin wuxuu noqday miday aad u dareemeen sida mugga leh ee cadowga Somaliland ugu farxeen xiisadii aloosanta, taas oo si cad ay facebookga  muujinayeen wiirsigooda.

Guntii iyo gabagabadii, waxay ku taliyeen qurbe-joogtu in ay dawladdu ka waantowd  cadhada shicibka naftooda ka daydayeyso. Sidii ay ugu dhaarteen weliba ay dulqaad u yeeshaan cadaaladdana ummadda lagu hago.

Shicibka iyo siyaasiyiinta loolamayanaana ay u hogaansanaadaan sharci dalka u yaal dawladdana laga dambeeyey, taas uun baana lagu sugi karaa jiritaanka Somaliland.

Qalinkii: Amran Mohamed-ubaxgalool Â