QURB-JOOGGA AFRIKA DIB UGU SII QULQULAAYA OO LAF DHUUN GASHAY KU NOQDAY DADKII DALKA SII JOOGAY.

                                                QORMADA QURBE-JOOGGA

amran

QURB-JOOGGA AFRIKA DIB UGU SII QULQULAAYA OO LAF DHUUN GASHAY KU NOQDAY DADKII DALKA SII JOOGAY.

In kasta oo ay dadka Somalidu jecel yihiin dhoofka, caadana ay u leeyihiin inay iska caashaqaan magacyada waddanada adduunka, haddana waxa muuqata in si xawli shantii sano ee u dambeeyey  u bilaabmay kacdoon dib u laabasho, oo aad moodo inay xaqiiqooday DIBAA LOO NOQONAYAA, WAA LA NOQONAYAA.

Laabashada ay qurbe-jooggu  dib u laabteen ayaa waxay dhidibadda ku haysaa ujeedoodin badan oo kala duwan.  Qaarkood waxay noqdeen siyaasiiin is biday una tafa-xaytay inay awooda siyaasadeed ee dalku mar gacantooda soo  gasho iyagoo ku andacoonaaya inay is bedel  keeni  karaan.

Qaar kaloo badanina way iska salbabaqeen oo waxay haysteen ballan qaadyo ay ka heleen siyaasiyiinta xukunka gacanta ku haysa ee ay isku haybta  ama ay macruufka yihiin oo ay ka haysteen kalsooni dheeraada ah. Qaarna hanti ay siteen ayey u tegeen si ay meel-gashi u geeyaan dulka hooyo. Qaar kale oo badani laftoodu waxay jeclaysteen inay ka indho qarsadaan nolosha qurbaha ee qadhaadh oo aha mid  ka hortimaado, si ay nafsiyadooda isu soo bedesho. Qaar kalena iyaga oo cago dhabad ah oo ama qoyskii uu qurbaha u haystay burburay ama ay soo dabamarteeyeen ayey u guur doonasho tagaan meelihii ay ka soo jeedeen.

Haddaba marka aynu u kuur kallo xogta jirta iyo  qurbe-jooggu dhib ama  dheef maxay soo biiriyeen?

Maxa lagu qiimeeyaa ma qabiil ba mise waa aqoonta ama hantida uu haysto mid waliba.?

Maxaa la taaban karaa ee raad ah ee ay ka tagaan ama soo kordhiyaan.?

Su’aalaha iyo qaar kale oo badan ayey dadka intooda badani is weydiiyaan, loona baahayanay in hoos looga baaraan dego.

Haddii aynu si kooban u guud maro dhibta ay qurbe-joogu keeneen waxa ka mid ah iyaga oo sheqooyinkii ay qaban lahaayeen dadkii iyo dhalin yaradii dalku sii joogay ee ku rajo weynaa inay sharaf ku noolaadaan dadka iyo dalkana ay anfayaaan ee dhabar adaygay duruufihii adkaa ee dalku soo maray,  uu qurbe-jooggii  ka boobeen una awoog sheegteen. Taasoo ay u adeegsanayaan hab casriyeysan oo laysku af-garto ama qabiil. Waxa kale oo ay dadkii ku cidhiidhyeen wadooyinkii awalba cidhiidhiga ahaa , oo mid waliba gaadhi ama laba ayuu wataa. Sidoo  kale waxa dhacay sicir barar  sameeyey  kala iibsigii dhulka, kiraynta guryaha, maciishadda  iyo weliba khilaafaad badan oo ku lug leh oo mararka qaarkood keeni kara in halkaas dhagari timaado.

Dhinaca kale ee dheefta haddii aynu ka eegno, qurbe-joogu iyagaa dhulka dib u dhiskiisa iyo kafaallo qaadashada dadkood baahana  qayb libaax ka soo  qaatay. Bilicda magaalooyinka iyo dhismayowga quruxda badan intooda badan iyaga aayaa maal galiyey. Waxay la soo laabteen waayo-arragnimo iyo khibraxad ay ka soo heleen meelihiii ay ka yimaadeen. Laakiin markay dhinaca  guurka noqoto nin waliba isagaa danaysta, laakiin umuu danayn oridii iyo ubadkii kale ee uu qurbaha kaga tegay ee aanu  ogeyn  inay is arki doonaan mar dambe iyo in kale.

Marka aynu taana intaa ku dhaafno. Ma waxa lagu qiimeeyaa  qabiil mise aqoonta  uu qofku leeyahay , arrinkaasi waa marag ma doono oo qaab adeegsiga qabiilka wuxuu marayaa meeshii ugu qadhaadhayd. Qofka aqoonta leh ama waayo-aragnimada leh, waxa laga tix gelinayaa ka laysku qabiilka ama hadafka la wada yahay. laakiin Somali baa hor uga maah-maahdoo tidhi (Bowdo rag habeyn ba mid baa qaawan).  Ninkii se hantidiisa rogroganayaa waxa laga yaabaa inuu dad badan uu sheqo abuur u sameeyo, inuu iftiimiyo furso kale oo meelo kale uga muuqda oo uu wax ka gaban karo. Marka hantiiluhu wax badan uu ku soo kordhin karaa ummadda.   

Inagoo cuskanaya nuxurka qormadeena maanta iyo raadka  ka tagaan qurbe-jooggu iyo waxay ugu dambeyn soo kordhiyaan.  Waxaan shaki ku jirin in qurbe-jooggu sabab u noqdeen halaaga bulshada qaarkood,  khaasatan  ay dhalin yarada u horseedeen  inay tahriibta ku halligmaan, markay arkeen qaar badan oo ay is yaqaaneen ama ay isku ayni ahaayeen oo ku walacsanaaya afafka qalaad ay dibedda ka soo barteen ku hadalkooda iyo  baasaaboorda jinsyadaha kale ee madaxaa bananaan ka ah ee ay sitaan ama la yimaadaan.

 

Waa qalinkii: Amran M Ahmed -ubaxgalool   

 

  Â