Rabshado dad ku dhinteen oo ka dhacay Masaajid kuyaala Magaalada Mombasa(Daawo Sawirada )

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxaa Maalintii shalay Masaajiid kuyaala Magaalo Xeebeedka Mombasa ee Dalka Kenya ka dhacay Rabshado xoogan oo u dhaxeeyay dad careesan oo Muslimiin ah iyo Ciidamada amaanka Dalka Kenya.

Rabshadaha ayaa bilowday kadib markii Ciidamada Amaanka Kenya ay xoog ku galeen Masaajid kuyaala Magaalada Mombasa oo la sheegay in ay ka bilaaban laheed Muxaadaro diini ah oo ka hadlaysa Jihaadka.

Dadweyne careesan oo ku jiray masaajidka ayaa dagaal kala hortagay Ciidamada amaanka Kenya ee Xooga kusoo galay Masaajiidka,waxaana halkaasi ka bilowday rabshado xoogan ,Ciidanka amaanka ayaa adeegsanayay sunta dadka ilmada ka keenta iyo rasaasta dheemishka .

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in masaajidka ay xooga ku galeen laga qoraayay dhalinyaro dagaalanta, sidaa daraadeed ay xoog ku galeen si ay arrinta uga hortagaan horena ay uga digeen in wax kulan ah lagu qabto , halka dadkii masjidka ku sugnaa iyaguna ku warameen in kaliya Masjidka laga aqrin lahaa Muxaadaro jihaadka ka hadlaysa.

Inta la xaqiijiyay rabshadihii shalay ka dhacay Mombasa waxaa ku dhintay ilaa Sadax qof ay ku jiraan labo sargaal oo katirsan Ciidamada amaanka oo u geeriyooday dhaawacyo halis ah oo soo gaaray iyo qof rayid ah oo isna la sheegay in ay haleeshay rasaas ay ciidanku rideen , waxaan sidoo kale tiradooda la cadeyn dadka ku dhaawacmay rabshadaha.

Taliyaha Booliska Mombasa Robert Kitur ayaa Warbaahinta u sheegay in ay xireen dhalinyaro badan uu ku eedeeyay in Booliiska weerareen, waxa uuna intaa raaciyay in hada lagu hayo dhalinyarada la xiray baaritaano.

Magaalo Xeebeedka Mombasa ay ku badanyihiin dadka Muslimiinta ayaa marar kala duwan waxaa ka dhacay rabshado xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada amaanka Kenya iyo dadka Muslimiinta .

Salaanmedia/Mogdisho









 

 

·

Â