Ra’iisal Wasaarihii labaad ee Soomaaliya yeelato oo geeriyooday (Inaa Lilaah Wa Inaa Ilaahi Raajicuun)

image

Alle ha u naxariistee waxaa habeenimadii jimcaha ku geeriyooday dalka Mareekanka Ra’iisal Wasaarihii labaad ee dalka iyo dadka Soomaaliyeedba yeeshaan mudane C/risaaq Xaaji Xuseen Xasan.

Marxuumka ayaa beryahaanba ku xanuunsanayay isbitaalka ku yaala cariga Mareekanka.

Allaha u naxariistee C/risaaq Xaaji Xuseen wuxuu ku dhashay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, sanadku markuu ahaa 1924kii.

Sidoo kale wuxuu xubin firfircoon ka ahaa urur kii Somali Youth League ee “SYL”, wuxuuna ka mid ahaa saraakiishii maamulka maxmiyadda ee Qaramada Midoobay, ee la oran jiray United Nations Trusteeship of Italy sida weyn ula shaqayn jiray.

Markii la dhisay dowladii ugu horeysay uu dalka Soomaaliya yeesho ayuu xubin baarlamaan ka noqday, wuxuuna dalka ra’iisul wasaare ka noqday muddadii u dhaxeysay 14kii bishii June sanadkii 1964kii illaa 15kii bishii July sanadkii 1967dii.

Dowladdii kacaanka ee uu hogaaminayay madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ayaa u magacaawday danjirihii dalka Soomaaliya u fadhin jiray Golaha Guud ee Qaramada Midoobay dabayaaqadii sanadihii 1976kii illaa 1978kii, wixii intaa ka dambeeyayna wax xil ah kama qaban gudaha dalka Soomaaliya.

1998kii wuxuu ka mid ahaa xubnihii isu soo sharaxay in ay hoggaamiyaan maamul gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland sanadkii balse waxaa ka guuleystay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Alle ha u naxariistee Col. C/llaahi Yuusuf Axmed.

Rabi janadii fardowso haka waraabiye ra’iisul wasaare C/risaaq Xaaji Xuseen wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiintii Soomaalida ee sida weyn uga biyo diiday soo gelitaankii ciidamada dalka Ethiopia ee gudaha dalka Soomaaliya sanadkii 2006da, wuxuuna ka qeybgalay bannaanbaxyo looga soo horjeedo oo ka dhacay dalka Mareykanka.

INAALIKAAHI WAINAALI LAAHI RAAJICUUN