Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Ayaa Maanta Ka Qaybgalay Banaanbax Looga Soo Horjeedo Al Shabaab Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Muqdisho + Daawo Sawirada

banan3Feb 23 2014 Muqdisho(SM)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdiwali Shiikh Axmed Maxamed ayaa maanta ka qaybgalay banaan-bax lagu taageerayo nabadda, loogana soo horjeedo falalka kooxaha argagaxisadda ah ay ku carqaladaynayaan nabadda iyo horumarka Soomaaliya.

Banaan-baxan oo ay soo abaabuleen haweenka gobolka Banaadir, ayaa farriin cad loogu dirayey kooxaha dhagar-qabayaasha ah ee caadaystay daadinta dhiiga dadka Soomaaliyeed, iyadoo dadkii ka soo qaybgalay ee koobnaa mas’uuliyiinta golayaasha dowladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ay caddeeyeen in weerarada kooxda Alshabab aanay waxba ka bedelayn go’aan dadka Soomaaliyeed ay ku doonayaan nabadda iyo horumarka.

“Waxaad muujiseen geesinimo iyo sida aad diyaar ugu tihiin inaad iska difaacdaan argagaxisada bahalka ah ee doonaya in ay damiyaan iftiinka nabadda. Kooxdan lunsan waxa ay dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah ku beegsanayaan masaajidda. Xukuumaddu waa idin garab istaagaysaa xilligan aynu ku jirno halganka aynu dib ugu xaqiijinayno dowladnimadeena” sidaasi ayuu Ra’iisul Wasaare Cabdiwali u sheegay banana-baxayaasha oo xamaasad iyo wadaninimo ka muuqatay. Waxana uu hadalkiisa raaciyey
banan
“Haweenka Soomaaliyeed waxa ay weligood ahaayeen horseed, waxaan rabnaa in aad maantana horseed ka noqotaan is-bedelka iyo halgankan, banaan-baxan waxa uu astaan iyo bilow u yahay is-bedelka caasimadda iyo Dalka”

Wasiirka Haweenka iyo Xuuqda Aadanaha marrwo Khadiijo Maxamed Diiriyey ayaa ku baaqday in hal meel looga soo wada jeesto kooxaha nabad-diidka ah.
banan2
“Haweenka Soomaaliyeed wax cabsi ah kama qabaan dhimsahada, nafta ayey u hurayaan dalkooda si loo helo nabad buuxda, loona soo celiyo karaamadii ummmadda Soomaaliyeed” sidaasi ayay tiri marwo Khadiijo.
banan4

Salaanmedia/Mogdisho