Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Booqasho Ku Tagay Dalka Ethiopia(Daawo Sawiro)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Booqasho Ku Tagay Dalka Ethiopia(Daawo Sawiro)

fab 14,2014 Addis Ababa(SM)-Wefdi uu hogaaminaayo Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Cabdiweli Sheikh Axmed ayaa gaaray xalay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
FAY
Xubnaha wefdiga waxaa kamid ah Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Wasiirka Maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Siciid Maxamed Qoorsheel, Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga Maxamed Cali Xagaa iyo xubno kale.

Waxaa lagu wadaa in uu maanta oo jimce ah la kulmo dhiggiisa dalka Itoobiya oo ay ka wada hadli doonaan xiriirka labada dal.

“ Socdaalkan aan kusoo gaarnay dalka Ethiopia waa mid aan ku xoojinayno xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Ethiopia, waxaan iska kaashan doonnaa arrimo ay kamid yihiin Amniga iyo la dagaalanka xagjirka khatarta ku ah guud ahaan gobolka, waxaa kaloo aan iska kaashan doonnaa arrimaha kale ee siyaasadda iyo dhqaalahu ay kamidka yihiin.” ayuu sheegay mar uu u waramayay warbaahinta.FAY1

Safarkaan oo ah kii ugu horeeyay uu ku tago dalka dibaddiisa ayaa la filaaya in uu usii gudbo dalka Jabuuti oo si lamid ah safarka Itoobiya la kulmi doono madaxda sare ee Dowladda Jabuuti.
FAY2
Salaanmedia/Addis Ababa