Salaan qaali ah baan halkan uga dirayaa dhamaan hawlwadeenada shabakadan iyo shacbiweynaha xorka ah ee Somaliland u dhashay meeshay joogaanba

Salaan qaali ah baan halkan uga dirayaa dhamaan hawlwadeenada shabakadan iyo  shacbiweynaha xorka ah ee Somaliland u dhashay meeshay joogaanba

 MAQAAL
Waxaa baryahanba dalkii Somaliland ka jiray ismaandhaaf siyaasi ah oo u dhexeeya mudanayaasha ay shacabku soo wakiisheen iyo kuwa hilmaamay dadka soo wakiishay oo iyagu doorbiday inay madaxtooyada u adeegaan halka ay u adeegi lahaayeen ummada soo dooratay ee safafka dheer u galay si ay cododkooda u siin lahaayeen kuwaas oo is ahaa dhawaaqiina ayey gaadhsiin doonaan xukuumada jirta balse noqon waa hadaba ummadii soo dooratay xildhibaanada mar qudha boqol iyo sideetan degree isku rogay marka madaxtooyada looga yeedhay loona daadiyey xooga lacag ah xildhibaanadaas oo laga war helay iyaga oo dhinacii kale ka soo wada jeedsaday horaana loo yidhi” Ilaahayow haa iyo maya meel qudha ha nagaga yeedhsiin” xildhibaanadaas oo is iska dhigaya kuwa u doodaya xuquuqda ka maqan kuxigeenka koowad ee isagu isxambaarka ku yimi golaha oo aan hal cod ah ka helin shacabka uu sheeganayo in uu matalayo arrintii shalay ka dhacday wakiilada ee ciidanka loo adeegsaday sida qaldan si loo cabsi galiyo xildhibaanada xilkooda gudanaya laguna taageerayo xildhibaanada lacagta ku shaqeeya iyagu hadaba waa ayo xildhibaanada sharaftooda iyo sharafta shacabka soo doortay ilaashaday kana doorbiday dollaro yar
 
1. Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka soo jeeda xisbul xaakimka Kulmiye noqdayna ninka qudha ee aanu dollarka madaxtooyadu ka bedelin mabdaiisi hore halka ay saaxiibadii dollarka doorbideen waana xildhibaanka laga been abuuray magaciisana si sharci darro ah loogu soo dara liiska xildhibaanada dhaameelka jecel isaga oo markii uu yeedhinayey magaciisa Gudoomiye Cirro yidhi ” anigu kuma jiro Gudoomiye” magaciisa oo bilaa saxeex ahna ku soo darsadeen liiska
 
2. Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale oo isagu soo jeediyey in golaha la keeno mooshin lagu baadhayo caafimaadka madaxweyne Siilaanyo madaaba oo ay intan oo qalalaase dalka ka jiraan isna iska dhigayo nin aan ka warqabin rabshada ay golaha ka dhex wadaan kuwa ugu dhaw dad ee lacagaha qaranka ku bixinaya laaluushka xildhibaanada
 
3. Xil Mahdi Buubaa oo kashifay beenta Wasiir Xirsi oo lahaa wax shaqo ah kuma lihi iyada oo uu soo bandhigay dhamaan xubnaha guddiga joogtada ah ee saqda dhexe kula shiraye wasiirka madaxtooyada iyo guriga madaxweyne kuxigeenka
 
4. Xildhibaan Xoog oo isagu u babac dhigay xildhibaanada lacagta soo qaatay 
 
 
Yaase geesta kale ah oo dollarku xaqa ka duway
 
 
1. Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere oo isagu la mid ahaa kuwa lacagta loo kordhiyey saacadihii dambe markii hore inta qadar lacag oo yar loo balan qaaday balse markii dambe loo kordhiyey
 
2. Xildhibaan Blaaki oo isagu markuu xijisan waayey beenta isku dhex yaacay oo hadalo qadaf ah kula dul kufay Gudoomiyaha golaha dhaarna ku maray in uu xilka ka qaadayo laakinse ma ahayn isaga ninka hadlayey ee waa nusasaacihii laga soo guray caruurta dhigata dugsiyada dalka
 
3, Cali Mareexaan oo ah ninka qorshahan madaxtooyada laga soo macmalay gacanyaraha ka ah, Cali oo isagu magaca ka turgumaya musuqmaasuqa uu faraha kula jiro ka turjumaya wata kaas oo ah Mareexaan ama booli qaran. Cali waa ninka ay madaxtooyadu ka adeegsato gudhaha golaha waan Xirsiga golaha wakiilada
 
4. Xildhibaan Nacnac isna waa nin magaciisi wata oo waa xildhibaan nacnaca ama macaanka jecel kaas oo habeen dhexdaas ah looga soo miisay madaxtooyada ayna faraqa ugu soo laabtay marwada madaxweynaha iyada oo afkeeda laga hayo ma arki karo ninkaas bidaarta leh ee Cirro
 
5. Xildhibaan Bukhaari oo isaga loogu balan qaaday xilka Gudoomiyaha golaha wakiilada, xildhibaankan oo isagu aan caadi ahayn dowlada ingiriiskana ka sajilan in uu yahay qof disabled ah oo aan shaqo qaban karin xiskiisuna dhamayn ayaa ka mid ah dadka ay ku shaqaystaan kooxda madbakha madaxtooyada ka arrimiya
 
 
6. Iyo qaar kaloo badan oo sida zaadka lacagta loogu shubto 
 
 
Waxaas oo dhan waxay ku dambeyn faashil oo shacabka Somaliland baa jawaab waafiya siin doona xildhibaanadan ay soo dirteen iyo cida kale ee ku shaqaysata doorashooyinka soo socda
 
 
Warkii jiraaba bakaaruhu iman
a