Saleebaan Geel Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Khilaafkii Xukumada Siilanyo Ku Soo Dhextuurtay Golaha Wakiilada+Aragtidiisa!

Saleebaan Gaal oo markii ugu horeysay ka hadlay khilaafkii xukumada Siilanyo ku soo dhextuurtay Golaha Wakiilada+Sidii Murankaa loo xaliyey+kaalintii Guurtidu ku lahayd!.

Hargeisa-(SM)-Gudoomiyaha Guurtida Somaliland Saleebaan maxamuud Adan (Saleebaan Gaal ) ayaa maanta khudbad dhinacyo badan taabanaysa ama dhacdooyin badan ka hadlaysa ka jeediyey fadhigii Golaha guurtida oo soo khatimay.

saguurtida

Saleebaan Gaal ayaa Golaha guurtida iyo gudidii loo saareyba ku bogaadiyey dhexdhexaadintii ay gaysteen murankii iyo khilaafkii xukumada Siilanyo ku soo dhextuurtay golaha wakiilada iyo Maamulka Golaha oo inkastoo uu qaboobay weli haddana hoosta ka shuuqayo oo Qasriga madaxtooyadu weli hurinaayo oo aanay hadafkoodii iyo inay Gudoomiye Cirro Kursiga ka riixaan weli gaadhin.

Saleebaan Gaal wuxuu ku tilmaamay in murankii Golaha wakiilada dhex yimi ahaa hawl culus oo Somaliland oo dhan gilgishay,wuxuu kaloo sheegay inay Qolyihii is-hayey yidhaahdeen guurtidoo nagu soo noqota oo na dhexgasha mooyee waxba noo kala dareerimayaan,cid kaloo aan dhegaysanaynaana ma jirto.

Geesta kalena wuxuu Saleebaan Gaal sheegay inuu Rag ugu belaysan yahay ninka tolkii oo goroda isla galay,dhexgala ee kala dira ee wanaag ku kala dira,taasna uu ku amaanayo gudigii Guurtida ee hawsha gashay.

Isku soo wada duuboo Saleebaan Gaal wuxuu hadalkiisii ku soo afmeeray in dhinacyadii is-hayey ee Golaha wakiilada cid guul sheegan kartaa aaney jirin ,dhinacoodna sheegin Karin balse hadii laga tegi waayey qaranka Somaliland guulaystay, wuxuu kaloo Saleebaan Gaal intaas ku daray in wixii nash-naasha ee heshiiska golaha wakiilada ka dhiman iyagu dhexdooda dhamaysan doonaan  oo uu ku rajo weyn yahay inaanay iyaga (Golaha Guurtida ) u baahan doonin.Taa ka sakow wuxuu saleebaan gaal golaha ku wargeliyey inay nasasho u baahan yihiin oo galaan fasax laba bilooda.

Salaannmedia/Hargaysa