Saleebaan Nuur oo soo farageliyay muranka ka taagan baarlamaanka Somaliland!

 Saleebaan gaal oo soo farageliyay muranka ka taagan baarlamaanka Somaliland!
 MAQAAL
 
gudoomiyah golaha guurtida oo intii siilaanyo xukunka dalka la wareegay noqday marjica xukuumada siilayo talada kama danbaysta ah soo weydiiso markay la soo dersaan waxyaabaha loo caalwaayo ayaa soo canaantay kuxigeenkiisa oo mudo isbuuca dib u dhigay aqalka baaramaanka si xal looga gaadho muranka hadheeyey maalmihii ugu danbeeyey,
 
gudoomiye saleenaan gaal waxa uu ganafka ku dhuftay dib udhigista aqlaka baarlamaanka ee todobada cisho waxa uu ku soo taliyay in beri laysugu yimaad aqalka baaralaamka kadibna khilaafka dhexyaal mudanayaasha aqalka ee xukuumadu hogaanka u hayso lagu dhameeyo cod gacantaaga, 
 
aragtida noocan ah ayay maalmahanba ku doodayeen xildhibaanada taageersan siyaasada xukuumada ee laga soo shidaaliyey aqalka saylici waxay aqlibiyadii aqalka baarlamaanka ku qabsadeen lacag aad u badan oo ay u qaybiyeen taas oo loomalaynayo inay tahay qaadhaan kii loo ururiyay wadada ceerigaabo ee awelba xukuumada u ahayd dacaayad ay ku kasbato shacabka reer Somaliland gudo iyo debedba!, 
 
waxaanay rabaan marka ugu horeysa ee golaha baarlamaanka laysugu yimaad in cod la geliyo laba aragtiyood oo kala ah in gudoomiyaha baarlamaanka xilka lagaga qaadi karo 55 cod iyo in uu xilka ku waayi karo 42 cod iyaga oo hoosta ku wata inay meel mariyaan qodobka ah in gudoomiyaha lagaga qaado 42 cod taas markay meel mariyaana ku xigsiiyaan mooshin ka dhan ah gudoomiyaha baarlamaanka c/raxmaan cirro oo xilka gudoominta aqalka laga tuurayo,
 
gudoomiyaha guurtida saleebaan gaal ayaa hore u faragelyay muranka xisbiga kulmiye oo ku dhex dhexaadiyay hab beelaysan inkasta oo ay ku saldhigi weyday oo weli buuqiisu taagan yahay ayaa hada u xuubsiibtay inuu ku biro xukuumada u tafo xaydatay inay xilka gudoominta baaramaanka ka qaado c/raxmaan cirro gudoomiye saleebaan gaal waxa uu culays ku saaray ku xigeenkiisu inuu soo afjaro dhex dhexaadinta ay wadaan isaga iyo xubnaha guurtida ee xaaji cabdi waraabe ugu tunka weyn yahay si ay jaanis u helaan xildhibaanada xukuumadu dhabarka ka taagan tahay kadibna fursad ugu helaan mooshinadooda ka dhanka ah gudoomiyaha baarlamaanka,
 
gudoomiye saleebaan geel waxa uu horjooge ka yahay golaha dalka ugu miisaanka badan kaas oo ka mid ah aqalada dalka looga taliyo ama labada gole waxay gudoomiyaha guurtida shaqadiisu tahay inuu xaliyo khilaafaadka siyaasiga ah iyo ka nabad gelyo ee dalka ka curta isaga oo larabo inuu khilaaf kasta dhex dhexaad ka noqdo,
 
nasiib daro waxa uu dhex dhexaadnimadii lumiyay tan iyo markii siilanyo xukunka dalka lawareegay waxa lagu xantaa in gudoomiye saleebaan gaal yahay nin qabiiliya oo qaranimada qabiilka ka hor mariya weli kamuu hadal khaladka xukuumada ee ay ku tumatay shuucdii dalka mid dastuuriya iyo mid baarlamaaniya waxa uu ahaa ragii cunaha iskaga duubay madaxweyne riyaale ee uu wax ka dhaqaajin kari waayay isaga oo hoosta kala safnaa xisbiga kulmiye kadib markii lagu soo heshiiyay isaga iyo siilaanyo shirkii ka dhacay magaalada garadag,
 
waxay xukuumadu rabtaa markay xilka gudoominta ka qaado c/raxmaan cirro inay baarlamaanka hor keento heshiisyo aan shuruucda dalka waafaqsanayn oo la rabo in lamarsiiyo aqalka baaramaanka kuwaas oo ay kamid yihiin wareejinta dekeda berbera oo ay rabto inay mudo 30 sano ah lagu wareejiyo shirkad faransiis ah, waxaa kale oo xukuumada u diyaara heshiiyo ay la gashay shirkado busub oo dalka ka baadhaya shidaal kuwaas oo la rabo inay xukuumadu baarlamaanka marsato! sidan oo kale ayuu hore u cadeeyay wasiirka madaxtooyada xirsi inuu 40 xeer oo xukuumada dani ugu jirto uu marsaday baarlamaanka!,
 
hadii ay xukuumada siilaanyo u suuro gasho arimaheeda siyaasadeed ee ay ku raadinayso inay hogaanka u qabato hogaaminta baarlamaanka ayaa waxa lumi doona isu dheeli tirka siyaasadeed ee dalka iyada oo ay dhici doonto in marqudha ay wada noqodaan madaxweynaha iyo gudoomiyaha guurtida iyo gudoomiyaha baarlamaanka oo qoys qudha iyo xisbi qudha kasoo wada jeeda!,
 
dalku waxa uu u baahan yahay badbaado qaran iyo in laga bar baadiyo casaabada ku habsatay hadii kale farta ayaa dhexda laga qaniini!
 
 
aadan axmed nuurÂ