Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu qabtay magaaladda Lascaanood

Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu qabtay magaaladda Lascaanood

alshabaab

Warar maalmahanba soo baxayey ayaa sheegayey in kooxda Al-shabaab deegaano ka tirsan gobolka Sool bartilmaameedsanayso

Laascaanood(SM)- ciidamadda Somaliland ee Laascaanood ayaa shalay fiidkii magaaladda dhexdeeda ku qabtay nin la yidhaahdo Daa’uud Saleebaan Bootaan Dhakaar oo lagu Eedaynayo in uu ka mid yahay saraakiisha Al-shabaab.
Babashada ninkan ayaa sheegaysa in ay ciidanku qabteen isagoo magaaladda badhtankeeda ku dhex wata gaadhi, halkaas oo loo dhaadhiciyey xabsiga.
Wararka ka soo baxaya qabashada ninkan ayaa sheegaya in uu ka tirsanaa Al-shabaab kiisas hore oo uu galayna loo daba joogay kadib arkii uu baxsaday, hase yeeshee xuuraan dheer oo lagu daba joogay darteed ay suurtogashay in si fudud loo qabto.
Sarkaalkan Al-shabaab in uu ka tirsan yahay loo qabtay ayaa loo soo dhaadhicinayaa dhinaca hargeysa, halkaas oo kiiskiisa lagu baadhi doono.
Warar maalmahanba soo baxayey ayaa sheegayey in kooxda Al-shabaab deegaano ka tirsan gobolka Sool bartilmaameedsanayso, iyadoo qaarkood sheegayaan in ay xarumo ka samaystee deegaano ay mid yihiin Xidhxidh.
Si kasta ha ahaatee xukuumadda Somaliland ayaa la sheegayaa inay bilaabayso qorshayaal ay ku qab qabanayso saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo la sheegay dhawaan in ay ka soo codsadeen Cafis kuwaas oo ka yabaalay in ay isa soo dhibaan.

Salaanmedia/Burco