SHARCIYA CUSUB OO AY DAWLADU WADO SI AY U SOO AFJARTO GUDNIINKA FIRCOONIGA AH.

SHARCIYA CUSUB OO AY DAWLADU WADO SI AY U SOO AFJARTO GUDNIINKA FIRCOONIGA AH
cabdixafid
Si loo xuso maalinta caalamiga ah ee looga soo horjeedo dhibka loo gaysto xubinta taranka ee dumarka, dawladu waxay ku dhawaaqday sharicya dhawr ah oo looga hortagayo ficilka khatar ta ah UK iyo caalaamka.
Markii ugu horaysay, waxaa qasab ku ah dhamaan NHS Hospitals inay bixyaan warbixin ku saabsan dadka lagu sameeyay gudniinka Fircooniga ah. Waa la kaydin doona xogta, iyadoo ka caawin doonta in la helo xog dheeraad ah oo ku saabsab dhacdada iyo sheegitaan la’aanta gudniinka Fircooniga ah.
Intaas waxaa sii dheer, Home Office ka wuxuu ku guulaystay olole dhaqaale oo ay ka heleen Midowga reer Yurub, £100,000 qadar lagaceed oo cusub ayaa maanta la bilaabay lagu dar dar galinayo ka hortaga Gudniinka Fircooniga ah. Deeq bixiyaasha waxay ku deeqayaan aduun lacageed oo dhan £10,000 si loo qaado olole lagu dhiira galinaya shacabka oo u jeedadiisu tahay in kor loo qaado wacyi galinta Gudniinka Fircooniga ah.
Sidoo kale dawladu waxay magacawday urur kaas oo horseedi doona olole looga soo horjeedo Gudniinka Fircooniga ah kaas oo la rabo in lagu dhameeyo Gudniinka Fircooniga ah si caalamai ah ah.
Maanta, wasiirada dawlada waxay la kuleem deeq bixiyaasha iyo dadka saamiyaasha leh si ay uga wada hadlaan mustaqbalka si loo joojiyo Gudniinka Fircooniga ah iyo calaamad ay muujinayaan taas oo ku aadan go’aan kooda adag oo hada wadaan.
Wasiirka ka hortaga danbiga, Norman Baker wuxuu yiri:
“ Wax cudur daar ah ma leh Gudniinka Fircooniga ah – waa dhib loo gaysto caruurta ama fara xumayn waana sharci daro.”
“ Waxaan go’aansaday inaan samayno wax kasta oo aan awoodno si aan u horkeeno kuwa ka danbeega falkaan cadaalada horteeda. Sharciga wadankaan wuxuu qabtaa qofkasta, siyaasada iyo dhaqamada xasaasiga ah waa inaysan noqon kuwa horjoogsada, muujinta iyo xukumida kuwa sameeya ama gacanta kula jira Gudniinka Fircooniga ah.
“Waxaan bilawnay dadaal cusub oo aan ku dhiirgalinayno shacabka oo ku aadan ka hortaga Gudniinka Fircooniga ah, waxaan wadaynaa inaan la shaqayno Director of Public Prosecutions si aan uga caawino in la meeleeyo xukumada sidoo kale waxaan qayb ka qaadanaynaa maal galinta daraasad ku aadan sheegid la’aanta Gudniinka Fircooniga ah UK.”
“Maanta waxaan gudoominayaa kulan u dhexeeya wasiirada dawlada oo lagu falanqaynayo shaqadeena ku aadan dhamaynta Gudniinka Fircooniga iyo inaan adkayno go’aankeena ku aadan ilaalinta da’yarta gabdhaha ah ee hada iyo kuwa mustaqbalka oo aan ka ilaalinayno faraxa xumayntaan.”
Laga bilaabo April sanadkaan NHS Hospitals waxay u baahanyihiin inay kaydiyaan:
Hadii qofka bukaanka ah uu leeyahay Gudniinka Fircooniga ah
Hadii ay jirto dhacdo soo jireen ah ee qoyska oo ah Gudniinka Fircooniga ah
Hadii lagu sameeyay haw la xiriirta Gudniinka Fircooniga ah dumarka.
 
Laga bilaabo September sanadkaan, isbitaalada dhan waa inay u gudbiyaan warbixintaan Waaxda Caafimaadka iyagoo u gudbinaya si Bil ah. Tani waa wajiga kowaad barnaamijyo balaaran oo lagu hagaajinayo si kor loogu qaado sida NHS ay uga jawaabto baahida caafimaad ee gabdhaha iyo dumarka kuwaas oo dhib ka soo gaartay Gudniinka Fircooniga ah iyo taageerada ilaalintooda.
 
Wasiirka Caafimaadka guud, Jane Ellison waxay tiri:
 
“ Gudniinka Fircooniga ah waa ficil xun oo niyad jab leh kaas oo aan lahayn wax sal ah bulshadaan iyo bulsha kale midna.”
“si looga hortago lana muujiyo inaan gabdhaha si wanaagsan uga taxadarayno iyo dumarka lagu sameeyay Gudniinka Fircooniga ah waxaan u baahanahay inaan dhisno  muuqaal sax ah oo aan kaga soo horjeedno ficilka wadanka oo dhan. Tani waa tilaabadii ugu horaysay ee aan saas u samaynayno.”
Ururka hogaaminaya ololaha lagaga soo horjeedo Gudniinka Fircooniga ah kaas oo ay dhistay dawlada wuxuu caawin doona dhaq dhaqaayada kajira Africa si loo soo afjaro Gudniinka Fircooniga ah.
Wasiirka hormarinta caalamiga ah, Lynne Featherstone wuxuu yiri:
“ Ma arki doona in la dhameeyo Gudniinka fircooniga ah UK dhexdeeda hadii aan laga dabar goynin aduunka oo dhan. Tani waxay qaadanaysaa in dhaq dhaqaayo hoose laga sameeyo dhamaan Africa kuwaas oo badali kara dhaqanka caawin karana shucuubta inay ku arkaan Gudniinka waxa uu yahay oo dhabta ah: fara xumaynta caruurta.
“ Ololahaan wuxuu midayn doona dadka u dhaq dhaqaaqa xoriyada dhamaan Africa oo dhan iyo qurba joogta UK shucuubtooda iyo deeq bixiyaasha, kuwaas oo soo jeedinaya baraarujin ku aadan xanuunka iyo dhibaatada Gudniinka Fircooniga uu leeyahay iyo inaan muujino inaan dhamayn karno ama soo dabar goyn karno ficilka gudniinka.”
Ururku wuxuu ka shaqayn doona dhamaan Africa oo dhan si uu u keeno is badal ku aadan dhaqan ka Gudniinka iyadoo:
Lala shaqaynayo qawmiyadaha qurba joogta ku ah halkan UK is ay u isticmaalan xirfadahooda iyo dakhligooda inay gacan ka gaystaan dabar goynta Gudniinka Fircooniga wadamada ay ka soo jeedan asal ahaan.
In la isu keeno hogaamiyaal muhiim ah iyo ururu dhamaan Africa oo dhan  iyagoo qayb ka ah dhaq dhaqaaq looga soo horjeedo Gudniinka caalamka oo dhan.
In la caawiyo ururu hoose oo isku xiran dhamaan qaarada Africa si ay uga hadlaan una badalaan qawmiyadaha kuwaas oo mar hore ba ka shaqaynaya in la dhameeyo caadada Gudniinka.
In la adkeeyo lana taageero Ururada siyaasadeed ee isu taga iyagoo ka soo horjeeda Gudniinka Fircooniga ah gudaha 10 wadan, iyagoo la siinayo khibrad iyo xirfadu dheeraad ah oo ku aadan is badal.
Sidoo kale waxaa dhawaan la bilaabi doona casharo E-learning ah oo ku aadan si naxariis leh iyo jileec oo lagu barayo markii la dhamaystiro si bilaash ah dad xirfad leh sida macalimiin, kal-kaalisooyin, police iyo ciidamada xuduudaha inay isticmaalan si ay u kordhiyaan  feejignaantooda ku aadan ficilkaan sharci darada ah.
 
 
Fiira gaar ah ku aadan qoraayaasha
 
Wixii faahfaahin dheeraad ah la xiriir Home Office Press 0207 035 3535.
 
Abdihafid Mahamud JAMA 
Universal TV
London (N0: 10)