Sheekh Cali Dheere oo ciidamada Itoobiya ku eedeeya inay doonayaan qabsashada badda Soomaaliya

DAAWO Muqaal: TV-ga Ingiriiska  oo Wareysi Fool ka fool ah la yeeshay Afhayeenka Xarakada Al-shabaab Shiikh Cali Dheere.

Ururka Al-Shabaab ayaa ciidamada Itoobiya ee gudaha dalka Soomaaliya ku sugan ku eedeeyay inay doonayaan qabsashada badda Soomaaliya si ay ugurtaan kheyraadka baddeena ku jira.

Afhayeenka guud ee Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa sheegay in ujeedada ugu weyn ee ciidamada Itoobiya ay usoo galeen gudaha dalka Soomaaliya ay tahay qabsashada badda Soomaaliya iyo laynta dadka islaamka ah.

Afhayenka Shabaab ayaa ku eedeeyay ciidamada Ethiopia inay doonayaan qabsashada badda Soomaaliya si ay ugurtaan kheyraadka badeena ku jira, maadaama Itoobiya aysan laheyn bad iyo dekad midna, hamigoodana uu yahay badda Soomaaliya inay gacanta ku dhigaan.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa wuxuu ugu baaqay inay fahmaan dhagar uu sheegay in ciidamada Itoobiya ay la damacsan yihiin Umadda Islaamka ayna si isku duubni ah ugu hortagaan arintaasi.

Sheekh Cali Dheere ayaa dhanka kale wuxuu soo dhaweeyay bayaan kasoo baxay culimadda taageersan Al-Shabaab, kaasi oo ku aadan in dagaal lala galo ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya ku sugan.

Ciidanka Itoobiya ayaa hada dhaq-dhaqaaqyo ciidan waxa ay ka wadaan Soomaaliya, gaar ahaan Gobalada Koonfureed, halkaasi oo todobaadyadaan laga dareemayo gulufkooda colaadeed.

Ciidamada Itoobiya ayaa hada kamid ah howlgalka Midowga Afrika ee dalka Soomaaliya.