Shir Lagaga Hadlaayey Is Dhexgalka Bulshada UK Oo Lagu Qabtay Magaalada CARDIFF + SAWIRO

Waxaa shalay lagu   qabtay   munaasibad  balaadhan  magaalada  Cardiff   ee Wales.  munaasibadasi  oo  ay  soo  qaban qaabisay   haayada  caalamiga ah  ee  looyaqaano  BBC WORLD SERVICE.     Barnaamushkeeda looyaqaano     WORLD HAVE YOUR SAY..    munaasibadadan  oo ahayd  mid   si heersare  loo  agaasimay   ayaa  laga dooday  sidii  bulshada  somalidu  ay  u dhexgali lahayd  bulshadan   ay  ku  dhexnooshay oo ay   ulaqsan lahayd. sidoo  kale  waxaa  xafaladan goob jooga ahaa   TVGA QARANKA SOMALILAND. oo ahaa  tvga kaliya ee isaga lagu casuumay munaasibadan.   waxana    lays waydaarsaday  doodo  badan  oo  si   toos  ah uga  baxaayey    BBCDA  laanteeda   afka somaliga  oo  uu   tabinaayey   cabdiraxmaankoronto..  waxaa  halkaasi  kahadlay   maxamud  ducaale  oo ahaa  aqoon yahayn  degan  magaalada   cardiff  ahna  odayaasha  magaalada  cardiff . maxamud  waxa  uu ku dheeraaday  in   bulshada  somaliyeed   inay  si wanaagsan uga  faa,idaystaan  jaanisyada  yaala  wadamadan   ay usoo haajiraan.  oo ay wax kabartaan. aqoon   haday  tahay  iyo haday tahay    waayo araginmo ay dalkooda  markay   kulaabtaan ugu  faa,ideyaan.  dhinaca  kale  waxa   isaguna  halkasi  kadal   kahadlay      gudoomiyaha  tvga qaranka  ee  magaalada  cardiff   XAAJI  CUMAR. waxa  uu cumar  kudheeraaday in  umada  afka somaliga ku hasha ee  degan wadanka     ay muhimtahay  in si  wanaagsan  ay  uga  faa,idaystaan jaaniskaga ay  haystaan ee ah  in  waxbarashada.   iyo aqoonta  kale duwan     ee taala   wadankan   ay   somalidu   ka faa,idaystaan   dhamaantood. oo aanay  wakhtigooda  ku dayicin waxaan faa,ido  layn  oo wakhti lumis ah.
 
ugu dambayntii   munaasibadan  ayaa  ahayd   mid aad iyo aad   uladhaceen dhamaan  dadki kasoo qaybgalay.,
waxana  si gaar ah   halkan  loogu  mahadnaqayaa  dhamaan  shaqaalaha   tvga   qaranka somaliland  ee  magaalada     cardiff   sida  xilkasnimada iyo   hawlo karnimadu ku jiro ee ay  uga qaybqaateen   hawshan
gudomiyaha  tvga   qaranka  sln tv  ee  xaruntiisa cardiff       XAAJI CUMAR. waxa  aad ugu mahadnaqayaa   nasir aden borame.  maxamud ducale.     khadar  camera  man.
 
 
      abdi    barud   [ cabdi  xarago]   
    
                        BRISTOL    UK
 
 
 
 
 

 

  

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Â