Shirka Baarlamaannada Dalalka Iskaashiga Islaamka Oo Maanta La Soo Gabo Gabeynayo

wwFab 19,2014 Muqdisho(SM)-Shirweynaha 9aad ee Baarlamaanada dalalka Iskaashiga Islaamka oo ka socda magaaladda Tehraan ee xaruntad dalka Iiraan ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socdsa lasoo gabagabeeyo iyadoo shirkaasi laga soo saari doono warmurtiyeed.

Shirka ayaa waxaa hadallo ka jeediyay guddoomiyeyaasha baarlamaanada dalalka Uganda iyo Jabuuti, iyadoo guddoomiyaha baarlamaanka Uganda ay sheegtay in uu iskaashi kala dhexeeyo baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti oo isna khudbad ka jeediyay shirka ayaa ka codsaday Madaxda Wadamada Iskaashiga Islaaka OIC ay ka shaqeeyaan sidii dowladda Soomaaliya gacan loogu siin lahaa la dagaallanka Al-Shabaab, islamarkaana go’aanada shirka ka soo baxaya lagu darro dar dargelinta la dagaallanka Al-Shabaab, si dalka Soomaaliya uu noqdo meel ka caagan argagixisada Al-Qaaciddada Soomaaliya.

Shirka oo ay ka qeyb galeen 54 dowladooda ka mid ah ururka Wadamada Iskaashiga Islaamka ayaa waxaa kaloo diiradda lagu saaray arrimaha Falastiin iyo Soomaaliya, oo ay ka midtahay in wadamada ururka ku bahoobay ay qaataan qaraar ah in Soomaaliya laga caawiyo ciribtirka Al-Shabaab.

Intii uu socday shirka oo furmay shalay ayaa waxaa sidoo kale khudbado ka jeediyay guddoomiyeyaasha baarlamaannada waddamada Soomaaliya, Imaaraadka Carabta, Turkey, Indonesia, Maleysia, Pakistan, Kuwait, Qatar, Sudan, Azarbijan, Bahreyn iyo guddoomiyaha baarlamanka Iran Ali Larijani oo isagu shir guddoominayay kulanka.

Salaanmedia/Mogdisho