Shirkada Ethiopian Airlines Oo Shaacisay Inay Bilaabi Doonto Dulimaadyo Cusub Oo Ay Ku Tagi Doonto Magaalada Muqdisho

Feb 18, 2014 Muqdisho(SM) – Shirkada Dulimaayada dalka Ethiopia ee Ethiopian Airlines ayaa shaaca ka qaaday in ay bilaabi doonto dulimaadyo cusub oo ay ku tagi doono Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya.

Dulimaadyadan Cusub ee Shirkada Ethiopian Airlines ay ku imaandoonto Magaalada Muqdihso ayaa waxa uu daba socdaa kulan iskaashi oo ku salaysan dhanka Socdaalka iyo gadiidka oo ay horay u kala saxiixdeen dowlada Federaalka Soomaaliya iyo dowlada Ethiopia.

Heshiiska ayaa waxaa dhanka dowlada Federaalka Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Gadiidka iyo Cirka Saciid Jaamac Qorsheel.ethio

Saciid Jaamac qorsheel ayaa u sheegay Warbaahinta in Ethiopia ay ka caawin doonto Soomaaliya shaqaalaha Laamaha Socdaalka sida ku xusan heshiiska ay labada dowladood ay kala saxiixdeen.

“Heshiisku waa mid inoo muhiim ah waqtigan Ethiopiayana waxa ay tababaraysaa Shaqaalaheena Laamaha socdaalka sidaasi waxaa yiri Qorsheel”.

Qorsheel ayaa ugu danbayn xusay in dowlada Soomaaliya ay qorshaynayso in ay dib u kiciso shirkadihii ay la haan jirtay Soomaaliya ee Somali airlines kadib mudo 23 sano oo dalka dowlad la’aan iyo fowdo uu galay.

Heshiiskan Iskaashi ee dhanka Socdaalka ah ayaa waxa uu noqonayaa kii ugu horeeyay ilaa iyo intii Soomaaliya ay gashay fowdada iyo dowlad la’aanta.

Salaanmedia/Mogdisho