Shirkii dawladaha hoose ee ka socday Ceerigabo oo soo gaba,gaboobay iyo gobolkii togdheer oo shaashada laga saraaya+Boorama oo

unnamed

 

 

 

 

 

Shirkii dawladaha hoose ee ka socday Ceerigabo oo soo gaba,gaboobay iyo gobolkii togdheer oo shaashada laga saraaya+Boorama oo U Haqal Taagaysa inay Noqoto Caasimada Labaad ee Somaliland!!Waa Maxay Sababtu!!!?

Dalad Au Ku Midoobeen Dawladaha hoose ee dalka oo maalmahan  ugu danbayey ka socday magaalada Ceerigaabo ee gobolkla Sanaag  isla markaana lagu dooranayeen madaxda daladaasi Sida Godoomiye G,ku xigeen/xoghaye iyo gudiyada ay ka koobnaan doonto daladaasi.

Hadaba daladaasi oo maalintii shalay ahayd loo doortay gudoomiye(Hargaysa),gudoomiye ku xigeen(Boorama),iyo xog hayn (Sool) ayaa ay shacabka ku dhaqan magaalada burco walaac ka muujiyeen arinkaasi waxaana ay ku  timaameen mid meelka dhac ku ah gobolka togdheer iyo gobolada bariga Somaliland.

Arinkan ayaa wal wal wayn ku abuuray bulsho waynta reer burco waxaana ay ka xunyihiin sida loo yasay isla markaana loo majaran habaabiyey booskii ay ku lahayd dalka iyo daladanba.

Waxaa ay shacabku sheegayaan inay xukuumada axmed silaanyo u wado magaalo madaxda labaad gobolka Awdal wa boorama waxaana ay intaasi uku darayaan in madaxwayne ku xigeenku wado olole caasimada labaad in laga dhigo gobolka awdal(Boorama), waxaana ay uuga digayaan madaxda dalka caadifad ka dhalankarta arinkaasi hadii uuu noqdo mid xaqiiq ah.

Bishii 11/28/2013 mar uu madaxwayne ku xigeenka Somaliland ku sugnaa magaalada burco oo uu kulamo l ayeeshay odayaasha iyo waxgaradka ku dhaqan magaalada burco ayaa waxa uu afkiisa ka sheegay in gobolka awdal dadaal dheer ugu jiro sidii uu u noqon lahaa caasimad ku xigeenka Somaliland waxaana ay tani cadaynasaa in gobolka tpgdheer la rabo inuu faaruqiyo booska caasimad ku xigeenka si uu u soo galo gobolkaasi Awdal.

Loo,lankan adag ee gobolka Togdheer lagula jiro ayaa waxa uu soo shaac baxay markii daladii dawladaha hoose ee Somaliland booskii ay ku lahayd oo ahaa gudoomiye ku xigeenka madaaama oo ay caasimadu qaadadatay Gudoomiya ay ahayd inay iyadu hesho booskaasi hase ahaatee laga afganbiyay siday.

Shacabwaynaha ayaa gabi ahaanba ka biyo diiday daladaasi iyo sida gobolka togdheer loogala wareegay booskeedii waxaana ay tani noqonaysaa sumacad daro kusoo habsatay gobolka togdheer ayadooana wax laga waydiin doono madaxda dawlada hoose bal waxa keenay in gudoomiye ku xigeenka ay qaadadto gobolka Awdal isla markaana goblada bariga Somaliland gabi ahaanba la siiyo xoghayn khaliya!!!?

Shafici maxamed Ibraahim

/Burco Offfice

shaaficimaxamed@gmail.com