SIDII SONKORTII MAYDHANTAY OO KALE AYAA WAX QABADKII XUKUUMADDA KULMIYE NOQOTAY .AYUU

Waxa jirey gaadhi lawada yaqaaney oo la odhan jirey (DIBIILE) wuxuu u kala shaqayn jirey dekedda iyo bakhaarada magaalada oo alaabta u kala qaadi jurey .

Nin ganacsato ah ayaa gaadhigii kooxdii wadatey ku yidhi : SONKORTAA dekedda iiga rar oo BAKHAARKEYGII iigeeya oo iigu roga , dekedda iyo bakhaarkuna wax badan isuma jiraan , maalintii malaa 50 jeer baa leysaga guushi karaa .
Gaadhigii oo raran ayaa goor SUBAXNIMO ah dekeddii ka soo baxay .
ROOB ayaa bilaabmay markey dekedda isyidhaahdeenba ka dhaqaaqa , gaadhiguna wuxuu sidaa SONKON .
SONKORTII gaadhiga saarnayd way qoyday , waanay maydhantay .
Gaadhigii iyo KOOXDII wadateyba bakhaarkii waxay gaadheen iyaga oo fara madhan oo aan gaadhiga waxba saarnay , jawaanno madhan moojee .
Safarkoodii iyo xamuulkoodii dhamaa waxa uu ku dhamaadey fara madhnaan , wixii ay xalay oo dhan rarayeenna cidla ayey ku dhamaadeen , shaqadii loo dhiibteyna khasaare ayay ka keeneen , AMAANADII lagaga tegeyna hadalkeeda daa .
Waxay soo hooyeen tacab khasaar- AMAANO darro- khasaare – iyo WAKHTI LUMIS FARA BADAN .
Waxaas oo musibo ahna waxa keenay00 sababay KOOXDII wadatey gaadhiga oo garan waydey , waxa gaadhiga ku rarani ee laydiin dhiibtey waa SONKOR ee , ROOBKA SHIRAAQ KA SAARA , CAQLIGOODII may isticmaalin , manay FEKERIN .
Caqliga xukuumadda kulmiye waxa uu noqdey , sida kooxdaa gaadhiga wadatey ee sonkorta kusoo rartey , ee SONKORTII roobku helay, ee MAYDHANTAY .
Bal xukuumaddan la doortey ee shaqadeedii oo dhami noqotey , hebel meeshaa ka qaad , hebelna laaluush oo arinkaa codkaaga nasii si uu noogu meel maro .
Bal xukuumaddan hawsheedii iyo horumarkii laga sugaayey uu noqday ASQO iyo hebel dabagal MEE yay xisbigii kulmiye ee shacabku doortey , ee horumarka iyo rajada ku balan qaadey , haddii shacabku doorto , oo uu talada dalka qabto .
MEE barnaamijkii wax qabadka ahaa ee xisbiga kulmiye doorashada ku galay.
ArimihiI UU XUKUUMADDII UDUB KU DHALIILAAYEY OO DHAN BUU MAANTA ISAGU BARO DHEERSIIYEY .
Xaggey wax ka khaldan yihiin ?
Xisbiganu ma xisbigiibaa ?
Dadkan hogaaminayaa ma kuwii la doortey baa ?  mee hogaamiyihii xisbiga ?
MAXAA SIYA ?
XAGGAY WAX KA KHALDAN YIHIIN ?
ASQADAN DALKII IYO DADKIIBA LA GELIYEY WAA MAXAY ?  YAA WADA ?
YAYSE DAN U TAHAY ? WAA MAXAY UJEEDADA LOOGA DAN LEEYAHEY ?
MA GARAADKII IYO AQOON  LA AANBAA  ?
XAALKU WAA SIDEE ?
SAWNAGAN DADKEENII KU MASHQUULNAY , HALKII WAX QABAD LAYNAGA SUGAAYEY ?
XAGGEY WAX KA KHALDAN YIHIIN ?
MAXAA SOO SOCDA BERITONA ?
TAN MAANTA TAAGAN MAXAA KU XIGI DOONA ?
MA HEBEL HALA SOO DILAA XIGI DOONTA ? IYO HEBEL HA LAKHAARIJIYO ? DANAHEENII BUU KA HORYIMIYE ?
BAL ADBA ……………………
CALI MAXAMED BIIXI     caliwwelli@hotmail.co.uk