Sir culls..Dawladda Xamar oo 3 million oo doolar u qoondeysey Xildhibaanada Somaliland;

MAQAAL

Dawladda Xamar oo 3 million oo doolar u qoondeysey Xildhibaanada Somaliland;

Dawladda Xamar ka dhisan ayaa damacsan in ay lacag dhan 3 million oo dolar u kala qaybiso Xildhibaanada Somaliland si ay ugu ogolaadaan Xukuumadda talada haysa in laga gorgortamo qadiyadda Somaliland, weliba sida aanu xogta ka helnay arrinta waxa dabada ka riixaya Dawlado shisheeye ah.  Lacagta waxa la soo marinayaa Xidhibaano ka tirsan golaha baarlamaanka Somaliland oo u qaybin doona inta laaluush ku noosha ah.  Arrintaas waxa inoo xaqiijinaya in aynu maanta aragno Xildhibaanada Somaliland in ay shacabkii soo doortay hortooda ku qaybsanayaan lacag laaluush ah si ay u ansixiyaan waxa xukuumaddu rabto, waliba waxay rabaan iney dib uga noqdaan wixii ay maalmo ka hor u codeeyeen ee aqlibiyadda ku ansixiyeen, taasi waxay u caddeyneysaa dadweynaha reer Somaliland meesha iney joogaan Xildhibaano aan aqoon dhaarta Ilaahay iyo balantii ay ummadda u qaadeen.

Dadweynaha reer Somaliland hadday maanta ka ogolaadaan in Xildhibaanadu hortooda laaluush ku qaataan waxa caddaaneysa in shicib aanu jirin oo la doorsaday beritona Xamar lagu darayo.

Maanta waxa inla gudboon in Xildhibaan walba halkii laga soo doortay ay ka ilaaliso inuu laaluush qaato oo haddii ay kalifeyso gacanta loola tago lana tuso in weli Ummadda reer Somaliland Damiirkeedu noolyahay.  Waxaana inoo balan ah in aynu Isniinta 17/02/2014 isugu nimaadno Baarlamaanka hortiisa oo ku layno kuwa laaluushka qaata.

Omer Abdillahi Shide

Oshide2012@gmail.com