Siraha ku qarsoon Khilaafka Xukuumadu ka dhex wado baarlamaanka.

Asalaamu CWW saxaafdaa qaaliga Ah

 MAXAMED

Siraha ku qarsoon Khilaafka Xukuumadu ka dhex wado baarlamaanka.
Khilaafka circa isku sii shareeraya ee Xukuumadu ka dhex wado golaha wakiilada waxa aad loo hadalhayaa in ay ku lifaaqanyihiin ujeedooyin ay xukuumadu wadato  mid yihiin:

1.   Xukuumadda oo jeebka ku sidata heshiisyo  ay la soo gashay shirkado badan oo ajaanib ah oo ay ka mid yihiin kuwa shidaalka, kuwa dekedaha, heshiisyadaas oo lagala maagayo baarlamaan uu  Gudoomiye u yahay  Cabdi Raxmaan Cirro oo la rabo inta baarlamaanka loo dhiibo xildhibaan ay dawladu wadato in heshiisyadaas oo in badan loo diidanaa in baarlamaanka la horgeeyo la rabo in dur-duro iyo duuduub baarlamaanka lagu dhaafiyo. 

2.   Waxaa kaloo aad loo hadal hayaa in xukuumdu rabto in ay xukuumadu buuq abuurto oo markaana Guurtidu tidhaa xilkii xukuumada waanu kordhinay.

Hadaba waxa aad arkaysaa in ujeedooyinka noocan ah ee xukuumadu wadato lagu daboolayo sheekooyin ay ka mid yihiin beelo ayaynu nahay oo beesha Harti ayaa leh baarlamaanka, ama dadka oo qaar afka loo geliyo in gudoomiye C/reaxmaan ku xigeenadiisa ku xad gudbayo.Bal waxaan isku deyi doonaa in aan wax tilmaamo in aan arimaha xukuumadu foodsaarada ka dhiganayso waxba ka jirin, laakiin ay iyadu(xukuumadu) ujeedooyin qarsoon leedahay.

Ta hore ee loo sawirayo in Beelaha harti baarlamaanka ku soo duuleen waxaan ka odhan lahaa; Beelaha harti waa beelo waawayn oo sharaf iyo qadarin mudan. Waxay mudan yihiin maamuus iyo inaan magacooda siyaasad aanay iyagu waxba kala socon loo adeegsan. Waxay mudan yihiin inaan magacooda dadkale lagu dhibin oo aan loo xambaarin godob aanay lahayn. Marka ay beelaha harti sidooda iyo dareenkooda tabasho uga timaado waxay mudan yihiin in fadhiga looga kaco oo lala eego waxa ay tabanayaan.

Hadii xilalka waaweyn beelo lagu qayb sanayo(Beri hore ayaabaynu taa soo dhaafnaye), Miyaanay beelha Harti xaq u yeesheen in loo baneeyo mid ka mid ah labada jago ee dalka ugu sareeya ee raaska qudhi isku haysto. Iyadoo weliba xilka Guurtidu uu yahay xil aan la soo doorane la magacaabo.
 
waxa kaloo aan ka xumay in beelahaa sharafta mudan magacooda loo isticmaalo sheeko raqiis ah oo dano kale laga leeyahay,oo godob iyo colaad aany ku jirin loo xambaariyo. waxaan is waydiinayaa, baarlamaankan la soo doortay ilaa maalintii la doortay oo haatan laga joogo mudo aad u dheer waxa gudoomiye ka ahaa C/Raxmaan Cirro, maxaa looga hadli waayay arinta beelaha? Miyaanay iska cadayn in ay hada uun wax cusubi soo kordheen.

Ta labaad ee dadka  afka loo gelinayo in C/raxmaan Cirro uu ku xigeenadiisa ka gardaranyahay, waxaan mar kale tilmaamayaa in meesha khilaafku ka bilaabmay ay ahyd in Gudoomiye Ciro oo Wadnaka debediisa ku maqan Kudoomiye ku xigeenku uu qoray wareegto uu ku baabiinayo go’aan uu goluhu gaadhay oo Gudoomiyaha iyo Kuxigeenka 2aad saxeexeen. Markaabana xukuumada ayaa lagu eedaynaayay abuurista khilaafkaas. Waxaanay u muuqatay in Gudoomiye ku xigeenka 1aad ay xukuumadu dhabarka taabatay oo la yidhi adaa baarlamaanka laguu dhiibayaaye khilaaf abuur.

Doodiina waxay noqotay Gudoomiye ku xigeenada oo leh sharciyan waanu baabiin karaa go’aankii golaha iyo ma baabiin kartid. Waana ta keentay in goluhu soo jeediyaan in la kala xadeeyo oo lakala qeexo awoodaha gudoomiyaha iyo kuxigeenada oo is dhexgalay. Hadaba khilaafka shirgudoonku waa mid si sahlan loo dhamayn karo, lakiin marka khilaafka muraad kale laga leeyahay ayaan loo taaghelayn.

Khilaafku maaha khilaaf beelo u dhexeeya iyo mid Xildhibaano u dhexeeya toona, waa khilaaf xukuumadu ujeedo kale ka leedahay. Arimahan lagu tuhunsanyhay xukuumada ee barlamaanka loo soo weeraray maaha qaar dalka dantiisu ku jirto laakiin waa dano ay leeyihiin groups ama kooxo.

Waxaan dhamaan shacabka Reer Somaliland ugu baaqayaa in ay meel uga soo wada jeestaan in xukuumadda lagu cadaadiyo in ay faraha kala baxdo baarlamaanka.

Xukuumadana waxaan leeyahay heshiisyada la sheegayo ee aad shirkadaha la gasheen haday xalaal yihiin oo aan wax la qarinyaa ku jirin baarlamaanka iyadoo C/raxmaan Cirro gudoomiye yahay soo hordhiga. Hadii aad kala maagaysaana waxaad ogaataan in ay waxa loo qarinayo qabaan oo aanya ahayn heshiisyo danta Somaliland ku jirto. Wax group faaiidayo ama shakhsi faaiidayona dalka loo baabiin maayee inaga daaya.

Arinta korodhsiimadana waxaan xukuumadda  odhan lahaa, “wax badso wax beelbaa laga qaadaa” inaga daaya oo dadka wax ay marlabaad idinku doortaan tusa, hadaad xukunka sii jeclaysateen. Dalkana ha inaga baabiinina. Meel wanaagsan ayaynu maraynaa, Waynu fiicanahay, nabad iyo barwaaqo ayaynu haysanaa, waatii layidhi  “Beladu daaman la qabto ayay leedahaye daba la qabto malaha”, Waar hoy ka jooga.

Baarlamaankana waxaan leeyahay khilaafkiina idinku xalisha. Waa ceeb in qarankii aad u dhaarateen iyo xilalkii aad ku dhaarateen aad wasiiro uga talo qaadataan ama aduun ku bedelataan.

 

Allaa Mahadleh

Mohamed A. Issa
Xubin Gudiga Arimaha Debedda ee WADDANI