SIRDOONADA SOMALILAND IYO ITOBIYA OO XUDUDA KU QAB QABTAY ASKAR KA TIRSAN JABHADA ONLF

Hargeisa(SM) Sirdoonada Somaliland iyo Itoobiya ayaa iska kaashaday qabashada laba Askari oo ka tirsan jabhada ONLF kuwaas oo xuduudka Somalilandka soo galay dhinaca Itoobiya, isla markaana gudaha usoo galay deegaanada Bali-cabane iyo Sayla dhexdooda.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Amaanka Somaliland ayaa cadeeyey qabashada labadan Nin ee ka tirsan ONLF, waxaanu sheegay in Ciidamada Sirdoonka Itoobiya warka soo gaadhsiiyeen Somaliland kadib-na ay kuwa Somaliland hawl-galka fuliyeen.

 

Labada Askari ee la qabtay ayaa lagu hayaa Degmadda Bali-gubadle halkaas oo loo dhaadhiciyey kadib markii la soo qabtay, waxaanay qirteen in ay ka tirsan yihiin jabhada ONLF, balse waxa wali la hadal hayaa in ay jiraan koox kale oo illaa labaataneeo gaadhaysa oo la socotay.

 

Dawladda Itoobiya ayaa codsanaysa in loo gacan galiyo labada la qabtay, hase yeeshee Maamulka Gobolka Hawd iyo Xukuumadda Somaliland ayaa ka tashanaya talaabada ugu haboon ee ay ka qaadan doonaan, maadaama labada dal heshiis dhinaca Amaanka ah ay ku jiraan, isla markaana dhinac ba dhinaca kale u gacan galiyo dambiilayaasha u kala gudba ee la qabto.

 

Jabhada ONLF ayaa u muuqata in ay sii daciifayso isla markaana qaar badan oo ka tirsani bilaabeen in ay isku dhiibaan dawladda, maadaama dagaalku ku daba dheeraaday Xukuumadduna fur-furnaan dheeraad ah u muujisay Beesha ay Jabhadaasi ka soo jeedo.

 

Madaxweynaha Kililka shanaad Cabdi Cumar ayaa dedaal dheeraad ah ku bixiyey sidii uu u qaramayn lahaa Jabhada ONLF siyaasiyan iyo dhaqaale ahaan ba waxaanu ku Guulaystay in uu shicibka Beesha ay ka soo jeedaan ee Ogaadeen ku qanciyo in ay wax la qaybsadaan Qawmiyadaha Itoobiya, kuwaas oo uu dhawaan ku casuumay magaalo madaxda Kililka ee Jigjiga.