Siyaasiga Mingiste Oo Cabiray Garashada Faysal Iyo Jamaal Ku Difaaceen Universal Tv

image

(SM-Hargeysa) – Xoghayihii hore ee arrimaha gudaha iyo xidhiidhka Gobollada ee xisbiga UCID, Cabdi Maxamed Saleebaan (Mingiste), ayaa ka hadlay barnaamijkii Telefishanka Universal ku aflagaadeeyay qaranimada Somaliland iyo Madaxwayne Siilaanyo iyo difaacii Faysal iyo Jamaal ee xayiraadda Tv-ga Universal.

Cabdi Maxamed Saleebaan (Mingiste), waxa uu sheegay in Barnaamijka Universal ku caayey Madaxwaynaha Somaliland ahaa mid ka qoto dheeraa sida dadku u fahmeen isla-markaana ahaa mid wacyi-galin ah oo midnimada Soomaaliya ka turjumayey.

Mr. Mingista oo u waramay Tv-ga qaranka iyo Somalilandtoday, ayaa isaga oo ugu horeyn ka hadlaya difaacii Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen, waxa uu yidhi “Waa Guddoomiye xisbi Qaran, Masuuliyaddiisu way ka weyn tahay sidan uu hadda u hadlayo, waa masuul qaran oo maamuus ayuu leeyahay, markaa haddii isaga oo Guddoomiye xisbi qaran ah uu u hadlayo sida dhalinyarada suuqa joogta waa ayaan daro, waa ceeb in erayada noocaas ahi ay jaraa’idka ku qornaadaan, Tv-ga qaranka ayaan weerarayaa, tv-ga qaranka shakhsi malaha oo qaranka Somaliland-baa leh, Faysal hadduu Madaxwayne noqdo, Tv-ga qaranku wuxuu ahaan lahaa Tv qaran, markaa markuu leeyahay waan jajabinayaa waxba ma rabo, ma fahmin guddoomiyenimada uu hayo”

 

Mingiste oo sii hadlayaa waxa uu intaa ku daray “Markaan eego sida Faysal  iyo Jamaal u difaacayeen Telefiishanka Universal, waxaad moodaa inuu ku yar yahay fahamkooda qaranimo, waayo Madaxwaynuhu waa masuulkii ugu sareeyay qaranka, ta ka sii yaabka badnayd waxay ahayd waxa meesha yaalay calankii qaranka Somaliland, markaa waxa la dacaayadaynayey waxay ahayd qaranimada Somaliland, ta kale waxay yidhaahdeen barnaamijkani (Faaliyaha qaranka) wuxuu ka hadlayaa Midnimada Soomaaliya, taasina waxay ka hor imanaysaa siyaasadeenna gooni isku taagga, waxaana su’aal la galiyey qaranimadeena” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray isaga oo ka hadlaya hanjabaadaha Faysal iyo Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigu warbaahinta isku mariyeen “Faysal iyo Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiguna inay jaraa’idka isugu hanjabaan oo ay yidhaahdaan waanu is feedh-feedhaynaa waa wax Laga xishoodo”

Salaanmedia/Hargaysa