Siyaasiyiinta Dacaayadeyna Jidka Ceerigaabo waxay saamayn doontaa Hankooda

February 9th, 2014 Comments Off

Mustafe Shiine

Waxa aan aad uga xumahay in xubno siyaasiyiinta mucaaridka ah iyo qaar ka mid ah taageerayaashoodu ay halku dhig uga dhigtaan xaalada ka taagan baarlamaanka in lacagtii loo ururiyay waddada Ceerigaabo loo isticmaalayo xod-xodashada xildhibaanada.

Halku dhiga noocan ahi waxa uu ka turjumayaa sida aanay dad badani raali uga ahayn in la hirgeliyo waddadaasi dhiig baxa ku ah shacabka reer Sanaag iyo guud ahaan qaranimada Somaliland.

Waxa xaqiiq ah in hadalka noocaasi ahi uu yahay mid aanay waxba ka jirin oo la doonayo In ay dib u ceshadaan dadkii balan qaaday bixinta qaadhaankii kaga hagaagay. Aniga oo goob joog ka ahaa shirkii London waxa aan cadaynayaa in aanay jirin lacag xadigaa leh oo loo qaaday waddada Ceerigaabo, balse waxa jirtay in lacag ku dhaw Shan boqol oo Gini in ay ku yabooheen dadkii xafladaa ka soo qayb galay.

Sidaa si la mid ah ayaa dadkii kale ee gobolada kale ee Ingiriiska iyo Yurubta kale ay ku dhawaaqeen lacago u baahan in la soo ururiyo. Sidaa daraadeed waxa aan ugu baaqayaa kuwa dacaayada raqiiska ah ku wada waddada Ceerigaabo in ay Khuuro kale la yimaadaan oo ay dib uga istaagaan hadalada aan macnaha badan ku fadhiyin, haddii kale waxa ay noqon doontaa mid ay eedaan oo wax u dhimi doonta hankooda dambe.

By: Mustafe Cabdi Ciise (Shiine)