“Socdaalkayagu Waa Mid Qaran, Waxaanan U Soconnaa Shaqo Qaran, Waana Sir Kana Warbixin Mayno Illaa Ay Noo Soo Dhammaato….”Wasiir Caddaani:Wareysi Gaara

“Marka ugu horraysa waxaan u mahad naqaynaa Maayerada dalka ee Ceerigaabo jooga, socdaalkooduna wuxuu wax weyn ka tarayaa isku xidhnaanta bulshada.. Socdaalkoodu wuxuu wax weyn ka tarayaa dhismaha jidka Ceerigaabo oo ay nala arkeen….Annagu waxaannu u soconnaa waa Sir Qaran, Sir Qaranna maaha….”Waraysi Gaar Ah: Wasiiru-dawlaha Maaliyadda Cismaan Cabdillaahi (Caddaani)

 

Ceerigaabo(SM):- Maanta waxaa Ceerigaabo ka furmaya shirka sanndalaha ah ee Maayerrada magaalooyinka Somaliland oo uu marti-gelinayo Duqa magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, kaasoo ay ka qaybgeli doonaan Wefti Xukuumadda Somaliland ka socda oo uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Cali Xaaji Cadami, oo Weftigiisu hawl ka duwan shirkaas ay u tageen gobolka Sanaag.

Weftiga Xukuumadda, ayaa sheegay inay shirka Maayerrada magaalooyinka shirka u furi doonaan. isla markaana ay ka odhan doonaan farriinta Xukuumad ahaan ay Maayerrada gaadhsiinayaan. Weftiga Xukuumadda, ayaa sidoo kale guul ku tilmaamay in shir-sannadeedka Maayerrada magaalooyinku uu ku qabsoomo magaalada Ceerigaabo oo ay sheegeen inuu wax ka tari doono dhismaha waddada Ceerigaabo, ka dib marka ay soo arkeen dhibaatada ay waddadaasi leedahay iyo faa’iidadda ku jirta dhismaheeda ee ay u leedahay isu-socodka dalka iyo dhanka nabad-gelyada-ba.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) oo xubin ka ah Weftiga Xukuumadda ee ku sugan magaalada Ceerigaabo oo xalay khadka taleefanka ugu warramayWargeyska Somalilandtoday, isagoo ku sugan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, waxa kale oo uu sheegay in Weftigoodu ay u socdaan shaqo Qaran oo aanay immika ka war bixinayn inta socdaaalkoodu qaadanayo iyo meelaha ay tegayaan-ba.

 

 

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey ujeeddada socdaalkooda iyo waxa uu ka filayo Shirka Maayerrada ee maanta Ceerigaabo ka furmaya haddii Illaahay idmo, waxa uu yidhi; “Horta Safarkayagu waa mid Qaran oo hawlo Qaran ayaannu u soconnaa, Berry (Maanta) waxaannu ka qaybgelaynaa furitaanka shirka Maayerrada dalka oo doorkan Ceerigaabo ku qabsoomaya, ugu horrayna waxaan halkan hambalyo u marinayaa dhammaan Maayerrada magaalooyinka Somaliland oo kulankoodii ugu horreeyay ee ay ku yeeshaan magaalada Ceerigaabo uu u furmayo.”

 

 

 

“Taasi waxay muujinaysaa in dalku mid yahay oo la wada leeyahay oo Somaliland maalinba meel ka mid ah dalka ay ku shiri karaan, waxaa laga yimi Laascaanood illaa Saylac. Markaa, taasi wax weyn ayay ka taraysaa isu soo dhaweynta dadka reer Somaliland. Waxa kale oo ay ka qayb-qaadanaysaa dhismaha Waddada Ceerigaabo, waanay arkeen Maayerradu dhibaatada ay waddo la’aantu ku hayso gobolka Sanaag.” Sidaa ayuu yidih Wasiir-dawlaha Maaliyadda Md.Caddaanni oo sii watay jawaabta uu su’aasha kor lagu weydiiyey ka bixiyey.

 

 

 

Wasiiru-dawlaha Maaliyadda Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) oo wax laga weydiiyay  qorshaha kale ee socdaalkooda iyo meelaha ay booqan doonaan inta ay ku sugan yihiin gobolka Sanaag iyo cidda ay la kulmyaan, ayaa ku jawaabay; “Horta Maanta (shalay) waxaannu la kulannay qaybo ka mid ah Odayaasha Deegaanka gobolka Sanaag oo aannu ka wadahadalnay arrimo badan. Waxa kale oo aannu kulan la yeelannay Madaxda gobolka iyo Saraakiisha Ciidammada ee gobolka Sanaag, waxaanan u soconnaa waa shaqo Qaran,taasoo aannu doonayno inaannu ka war bixinno marka ay habboonaato ee ay noo soo dhammaato.”

 

 

 

“Laakiin, immika kama hadlayno halka aannu tegayno iyo shaqada Qaran ee aannu u soconnaa nooca ay tahay, wixii Sir Qaran ah ama shaqo Qaran ah markay dhammaato ayaa laga hadlaa, markaasaanan warbaahin kaga warramaynaa. Laakiin, inta ka horraysa kama hadlayno.” Ayuu yihi Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid(Caddaani).

 

Salaanmedia/Hargaysa

Xigasho Somalilandtoday