SOMALILAND: KORITAANKA DHAQAALAHA IYO ISBEDELKA HORUMARKA


SOMALILAND: KORITAANKA DHAQAALAHA IYO ISBEDELKA HORUMARKA

Mahad dhamaanteed ilaahay baa iska leh marka labaad waxaan umahad celinayaa saxaafada ka shaqaysa wanaaga umada Somaliland

 

Somaliland waxaa ka muuqda siyaasad furfuran, koritaan dhaqaale oo dhinac walba leh iyo isbedelka waxqabad ee ka muuqda wadooyinka Somaliland, taasi waxayna ina tusaysaa in dalka isbedel wayni ka dhacay.

Tan iyo markii ay xukunka qabatay xukuumaddan uu hoggaaminayo madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, muddo haatan laha joogo saddex sano iyo bilo yar dalka waxay ka hirgelisey isbedel la mahadiyey, kaasoo ay bulshada Somaliland meelkasta oo ay joogto ay qirayaan waxa mudadaa kooban dalka laga hirgeliyey.

Haddii aan soo qaado qaar ka mid ah isbedelada dalka ka hirgalay waxaa ka mid ah dhinaca dhaqaale ha ahaato ka gaar ka loo leeyahay PRIVE SECTORS, ama ka dawladu maamusho oo ah PUBLIC SECTOR.

Tusaale ahaan miisaaniyada dowlada ayaa waxay noqotay mid afar jibaarantahay mudadii ay jirtey xukuumadda madaxweyne Siillaanyo, taasoo ay tusaale cad u tahay kordhinta musharka shaqaalaha dowlada, ciidamada qalabka iyo lacagta xad dhaafka ah ee loo qoonteeyey derojooyinka ciidamada kala duwan ee dalka taasoo dhowaan la bixiyey.

Dhinaca ganacsiga madaxa banaan ama gaar ka loo leeyahay iyana waxaa ka muuqda korodh xoogan, marka la eego waxyaabaha soo degaya maalin walba oo ay ka muuqato mashquulka dekeda Berbera iyo dhismayaasha dalka ka socda.

               Siyaasad Furfuran  {flexible Policy}

Intii xukuumaddani jirtey waxaa si weyn isu bedeshay siyaasada arrimaha dibedda oo lagu sameeyey isbedel  POLICY REFORM, waxayna noqotay xukuumaddan maanta joogtaa mid ku dhiiratay in ay furfurto siyaasadii Somaliland ee godoonka ahayd, taasoo ay adkayd in aduunyada lala xidhiidho.

Xukuumaddani waxay dedaal xoogan u gashay sidii ay dowlada waaweyn xidhiidh ula samayn lahayd, sidii dalka loogu heli lahaa maalgashi caalamiya Foreign International Investment, taasoo xukuumadani ay guulo badan ka soo hoysay.

Tusaale ahaan waxaa ugu danbaysey siyaasada maalgashiga tii uu dhowaan madaxweynaha Somaliland uu ku tegey dalka France, uuna heshiish kula soo galay shirkada caalamiga ah ee Bollare, taasoo maalgelisa dekeda.

Waxaa iyana xusid mudan wada-halada u socda jamhuuriyada Somaliland iyo dowlada Somalia, taasoo ay xukuumadan maanta joogtaa ay ku dhiiratey in ay wada-hadal la gasho dalka Somalia si looga midho dhaliyo himilada ummadda.

Sidoo kale xukuumaddu waxay waxay safaro is-daba joog ah ugu baxday aduunka iyada oo madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, meelkasta oo uu tago loo qaabilayey si heer caalami ah, iyada oo lagu guulaystey in markii ugu horeesay Somaliland ay wadamada reer yurub qaar ka mid ahi ay caawimo toosa siiyaan.

Taasoo ahayd ta lagu aas-aasay sanduuqa Somaliland Development Fund, ayna iska kaashadeen dowlada Ingirishka, Norway iyo Denmark , iyada oo ay waqtigan ku jirto lacag ka badan 50 milyan oo doolar, taasoo ay si toosa Somaliland u maamulayso waxna lagaga qabanayo arrimaha wadooyinka, degaanka iyo xoolaha.

Isbedelka Wadooyinka iyo Madaarada

Xukuumadu  waxay wax badan ka qabatay dhinaca wadooyinka iyo madaarada Somaliland, tusaale ahaan waxaa la casriyeey guud ahaanba madaarada dalka gaar ahaana labada madaar ee ugu waaweyn ee berbera iyo Hargeysa, kuwaasoo laga dhigay International standard, kuwaasoo la jaan qaadaya madaarada wadamada horuumaray.

Dhinaca wadooyinka ayaa iyana si weyn wax looga qabtay iyada oo la dhisay wadada isku xidha Hargeysa iyo Berbera, taasoo ahayd wadada igu shilka badan dad badan oo qiimo badanina ay ku dhinteen, taasoo waqtigan laga dhigay wado lagu sameeyey dib-u-dhis ballaadhan.

Sidoo kale iyana waxaa la bilaabay wadada isku xidha Berbera iyo Burco oo waqtigan socota waana markii ugu horaysey ee is bedel intaa le’eg lagu sameeyey wadooyinka Somaliland.

Dhinaca kalena iyana xukuumaddu waxay gacan xoogan ka geysatey sidii loo hagaajin lahaa wadooyinka caasimamada hargeysa, oo aad u burbursanaa iyada oo imika ay dhamaad ku dhowtahay wadada halbowlaha u ah caasimada kuwa kalena la qorshaynayo in deg deg wax looga qabto.

Waxaa kaloo xusid mudan in Somaliland hada ku hanweyntahay inay bilaabaan mashruucii abid ugu balaadhnaa ee laga hirgeliyo Somaliland waa wadada (CEERIGAABO IYO BURCO) fadlan muwaadin aan ka qayb qaadano

 

Aad baad umahadsantihiin akhriste iyo waxaan kaloo  Aad iyo aad  ugu mahad naqayaa warbaahinta madaxa banaan

Abdifatah Basher Hassan

basherson@gmail.com

burao,togdheer,somaliland