Soomaali ku guulaystay abaalmarinta atooraha labaad ama saacidaha atooraha (Xiddigga filimka) Barkhad Abdi.

 17 Febraayo, 2014, 22:49
Barkhad AbdiBarkhad Abdi, oo ku guulaystay abaalmarinta atooraha labaad ama saacidaha atooraha (Xiddigga filimka)

Barkhad Cabdi ayaa ku guulaysatay abaalmarinta BAFTA ee caawiyaha jilaaga ee ugu fiicnaa sanadkan ee filimka Captain Phillips. Wuxuu filimkan ku saabsanaa budhcad badeed Soomaaliya. waxaa uu ka guulaystay jilayaasha Michael Fassbender iyo Matt Damon.

Wuxuu u mahadceliyay Bafta iyo Paul Greengrass “in ay igu aamineen (doorkan) ka hor intii aanan anigaba isku kalsoonaan, wuxuu kaloo u mahadceliyay Hanks iyo jilayaasha kale ee filimka, isagoo yidhi “Meel cidla ah ayaan wax ka bilownay hadana tan ayaan haynaa”.

Si xoog leh ayaa loogu sacab tumay Barkhad Abdi intii uu fuulayay masraxa abaalmarinta uu ku guddoomay.

Abaalmarinta BAFTA, waa abaalmarin lagu bixiyo dalka Britain balse caalami ah oo lagu abaalmariyo Filimaanta iyo jilayaasha ugu wanaagsanaa sanadkaas. Dhag sii Halkan ka eeg liista abaalmarinada.

Barkhad wuxuu ahaa atooraha labaad ee filim-ka Captain Phillips oo uu jilayay jilaaga caanka ah ee Maraykanka Tom Hanks.

Abaalmarinta waxaa gacanta u galiyay Emma Thompson, waxaa martigalinayay oo soo jeediyay weriyaha caanka ee BBC Stephan Fry.

Salaanmedia/London

Xigasho BBC