Suleiman Xuquuq oo agoontii SNM iyo naafadeedii ka soo hor jeeda by Abdi Mustafe

MAQAAL
Suleiman Xuquuq horta waa nin beri waashey oo ma ladnaaday mooyee ma bogsadey malaha. Hadaa dhegeysateen hadaladiisa naxli iyo caabuq iyo waali waxaan ahayn kumuu hadal. Wuxuu yidh SNM agoon teeda iyo naafadeeda hadii la dar yeelo kuwii waqrigii Sayid Mohamed Abdalla Hassan na ha la daryeelo. Taasi waxay muujineysaa in Suleiman Xuquuq weli xanuun sanayo. Wuxuu aflagaadeey Dhegaweyne, Abdirahman Abdilqaadir iyo Abdirahman Ciro. Wuxuu difaacayaa Kulmiye. Hadaladiisu wax la dhegeysan karo maaha oo nin aan maskaxda ka fayoobeyn weeye. Hadaba bal waxaynnu eeg naaba waa halka ay iskala soo dhacaan SNM ta dalka meel walba joogta ee haraad iyo gaajo iyo darxumo u soo marey dalkan sidii loo xoreyn lahaa iyo mansuukhan waalan ee madaxtooyada Amina Weris ka soo dirtey een wuxuu ku halayaba aan garanayn …. Waxaan aad uugu qoslay isagii baa isla murmaya markuu hadlayo …. Su’aalo ay werya yaashu weydiiyeenna dhinac uu u saaro ayuu garan waayey. Hadaba waxa wax aad loola yaaba ah Madaxtooyadan mid miyir qaba iyo mid waalan baa qarash ku bixineysa ee le hebel iyo hebel warbaahinta ka canbaareeya. Madaxtooyadu dulmi badan bay umadda ka gashaa oo cashuurtii dalka ayey bidix iyo midig ba ka bixiyaan oo wax yaabo aan macno badan sameyneyn bay ku mash quul yihiin intaana denbi kaga socdo. Hadaanay taariikh kale madaxtooyadu waqti ay ku akhriyaan aanay hayn ha xasuustaan uun halkey ku danbeeyeen Siyad Bare iyo Marwadiisi Khadiija macalin.
Nigeria markey ku xayir naayeen hablaha ilma siyaad Bare dub bay dahab kooda u xaraashi jireen si reerku u noolaado. Nigerians ka oo tuug ihina hadh ka cad bay gurigooda bililiqeysan jireen. Madaxtooyada siiba Amina Weris ha ogaato in aanay ku waareyn dhibta iyo qaska iyo boobka iyo isku dirka ay dalka ka dhex wado iyadoo Xirsi adeeg saneysa. Silaanyo isagu maanta saaxada kama muuqdo oo waxa la is weydiinayaa xaaladiisa caafimaad kolna sidan isagu kuma taliyeen ee waa nasiib daro hadii maanataba dalka talo dumar lagu wado.
Halkan ka dhegeyso Suleiman xuquuq si aad u ogaato in weli xanuunsanayo.