Taliska Ciidanka Midowga Afrika Ee Amisom Ayaa Maanta Sheegay In Aanay Ciidamada Kenya Ka Bixi Doonin Gobolada Jubbooyinka

Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission for Somalia (SRCC), Annadiff Saleh Mahamet, speaks to members of the press outside of Villa Somalia on Jan 8, 2013, after having met with President Hassan Sheik Mohamud to discuss the future of AMISOM's relationship with the government.Feb 09,2014 Hargeysa(SM)-Taliska Ciidanka Midowga Afrika ee Amisom, ayaa maanta sheegay inaanay Ciidamada Kenya ka bixi doonin Gobolada Jubbooyinka, ayna sii wadi doonaan hawlgalada ka dhanka ah Ururka Al Shabaab.

Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom Mahamat Saleh Annadif, ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ay hawlgalka Amisom kaga mid noqdeen heshiis la kala saxiixday.

Wuxuu sheegay inaanay muuqan sabab ay xilligaan uga baxaan Jubbooyinka, uguna noqdaan dalkooda, balse uu ujeedku yahay sidii ay gacan kaga geysan lahaayeen, la dagaalanka Ururka Al Shabaab.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ay ku hawlan yihiin, sidii Gobolada Jubbooyinka ay u geyn lahaayeen Ciidan isku dhaf ah, oo markaasi ka kala socda Nigeria, Burundi, Sierra Leone iyo Kenya.

Mahamat Saleh Annadif, ayaa carabka ku adkeeyay in muddo laba bilood kadib, ay Ummada Soomaaliyeed maqli doonto warar wanaagsan, oo qeexaaya Shabaabka oo laga saaray Jubbooyinka.

Ciidanka Kenya ee baneynaaya Magaalada Kismaayo, ayaa waxaa la hadalhayaa in ay ku dhaqaaqi doonaan Xarunta Gobolka Jubbada Dhexe ee Bu’aale.

Salaanmedia/Muqdisho