Tirsigii 68- aad dib – umilicsada dhacdooyinka taban ee xukuumada Siilaanyo taariikhda…

MAQAAL

Tirsigii 68- aad dib – umilicsada dhacdooyinka taban ee xukuumada Siilaanyo taariikhda u-galey mudadii koobneyd ee ay doogsin carareysey ee uu xaalkeedii noqdey, Shirkadley, Sheerley, Danley. Qalinkii A/rahman fidhinle

Bal aynu dib-u-yara milicso  sadexdii sanadood ee ay xukuumada Siilaanyo doobineysey ee ay doogsin carareysey ee ay  dhibi-shaxleyneysey ee ay shacabka S/landna ay ku-jireen qar-qarsiga iyo qoor-qabadka  iyo  dhacdooyinkii tabanaa (-)  ee is-dabo yaalka  ahaa, ee ay xukuumadu  ku hafatey  kuna asqowdey sidii ay ceebahaa dul-hoganaaya isaga meydhi-laheyd iyada  oo  wadanka hogaanka u-haysey mudo sadex-sanadood iyo badh ah, ayaa waxa aqoon-yahanka iyo wax-garadka S/land ay isku raaceen in waxyaabihii  ay xukuumadani ummadda u- qabatey in ay ka culus yihiin diiftii, dil-dilaacii,riiqdii, hitaaqadii, qeybsanaantii, qabyaaladii,iyo afooyinka ay kala -dhex-dhigtey shacabkii iyo dhamaan beelihii iyo bulsho weyntii walaalaha ahaa reer Somaliland iyo cadaalad darada ay ummadu wada aragtey ee ay xukuumadu u- qaybisey manfacii,magantii, mooradii, mansabkii,fursadihii ilaha dhaqaalaha, dhulkii danta guud, kontaratyadii iyo Liisamadii hantida maguuraanka ah ee loo baahnaa in ummaddu wada-yeelato.Wadaagayaal-ila wadaaga dhacdooyinka hoose ee wada runta ah ee  ay maareyn-toodii  xukuumadeena diihaal badan  ay ku-gel-gelimeysatey, kuna dhaba-baceysey, kuna ceyn iyo baydba godey hadana ay ku-adkaatey sidii ay isaga maydhi laheyd fadeexadii iyo ceebihii goobahaas ka soo gaadhey oo ilaa  iyo maanta  xukuumada ku-ah bar-madow oo aaney iska meydhi karin ee taariikhdana u-galey, Taas oo ay waxgaradkii shacabka reer S/landna wada arkeen laguna xusuusan doono taariikhdaa madow ee ay wadanka u-dhiteysey.
 
 1– Dilkii-foosha xumaa ee Seemaal ee loo xidh-xidhey dadka fara badan oo uu kamid yahay la taliyihii hore ee siyaasada ee madaxweynaha ee hadana cadka quudheed loo siiyey (Wasiir-nimada) isla markaana xilka lagaga qaadey taliyihii ciidanka qaranka ee hawl-karka ahaa.Bal-iyana yara xusuusta  fadeexadii iyo ceebihii  ka dhacey  Ceel-bardaale oo iyaduna  weli hoosta ka huursan oo tabashooyinkoodii aan la maareyn oo aan meel la isla dhigin.
 
2- Dagaalkii  dhiilada badnaa  ee ka dhacey Degaanka Buuhoodleh ee xilkiisii uu ku waayey taliyihii ciidanka qaranku, ee ciidamona ay  ku naf-waayeen qaar-na ay ku dhaawacmeen.Taas oo ay waayadan danbena  ay xukuumadani ku fashilantey sidii degaankaa dawladnimada S/land loogu fidin lahaa.
 
3- Diyaaradii sidey saanadda  ciidamada ee Puntland ee waxoogaga lacagta ah laga qaatey, kadibna lafasaxay ee ooda laga qaade
 
4- Raashinkii danyarta laga duudsiyey oo dhamaa 2 doonyood oo buuxa ee dib loogu eedeeyey xeyndaabkii madaxtooyada iyo madaxdii xukuumada taas oo aan ilaa iyo hadana aan la garaneyn Lunsigaa raashinka danyarta cidii masuuliyadeeda laheyd.Musuq-maasuqaa raashinka ayaa ilaa iyo hada xukuumada ku ah bar-madow iyo fadeexad musuq ah oo xusuusta ugu qoran.
 
5 Liisankii ama rusqadii qaraabo kiilka ahaa ee shirkada ninka keliya leeyahay loo caseeyey ee la siiyey Buurihii  Sibidhka ahaa oo ahaa ASSET-kii ummadda Somaliland oo dhami wada laheyd taas oo aan ilaa iyo haddana aan Labadii shirkadood ee is-khilaafey aan la kala maareyn dacwadoodiina dilaaliinta xukuumada ee gacan-wadaaga yaqaan  lagu wareejiyey.
 
6- Ceebtii ka dhacdey Doorashadii golayaasha degaanka ee wadanka ka dhacdey kal hore ee ay xukumuudu af-duubtey ee sida ay doontey ugu shubatey ilaadadii iyo foodkii shacabka, taas oo ay ku dhinteen dhalinyaro qaar-na ay ku dhaawacmeen halkaasna ay ku wiiqantey sharaftii iyo karaamadii doorashooyinka S/land lagu amaani jirey ee lagu majeeran jirey, taas oo iyana sii sababtey in ay hoos usii-dhacdo cabirkii ay qaramada midoobey ay ku cabiran jireen xaraarada nabadgelyada S/land.
 
7) – Waxaa Ceeb ma hadho ah  iyo bar-nadow ku ah xukuumada Siilaanyo sidii ay u-musuq-maasuqdey lacagtii Malaayiinka doolar aheyd ee loogu talo galey in lagu dhiso Madaarka Hargeysa iyo Madaarka Berbera, Taas oo aaney weli shacabka S/land  u-cadeyn  siyaabihii ay lacagahaas malaayiinka ahi ku-baxeen. Waxaa Ceeb- iyo Fadeexad lama ilaawaan ah oo taariikhda loogu daabacey loona aaneeyey shaqsiyaad deris ku nool ah oo caan ah.
 
8) – Waxaa cadaan ah in  xukuumada uu musuq-maasuqeedu uu ku-saleysan yahay  xaafadeysi, kooxeysi, xasabeysi, ganacsi iyo hadaf waqti-dheer ah oo ay u-meel-sameysanayaan kooxda qawleysatada ahi sidii ay  hantidii ummadda ka dhaxeysey ay ugu noqon-lahaayeen mulkiilayaasha mustaqbalka ee berito,Waxaana marag-madoonto ah in xukuumadu ay ku fashilantey in anfacii, iidaankii,adeegyadii bulshada iyo fursadahii ilaha dhaqaalaha ee wadanka gaar ahaan saadaalintii sahamintii iyo soo saarista kheyraadka dabiiciga ah ee wadanka sida batroolka,gaasta, sibidhka, macdananaha kala duwan ,kaluumeysiga, Liisamada shirkadaha waaweyn iyo dhamaan kontaratyada dawladu bixiso in lagu wada qaybsadey cadaalad-daro, qol-madow iyo kulan gacan-wadaagley ah, oo ganacsi ah ,shirkadley ah, sheerley ah oo baal-marsan dastuurka qaranka u-yaala.Nasiib daro Waxaa uu maanta ASSET-kii iyo hantidii maguuraanka aheyd ee wadanku ay ku ragaadeen oo ku baa’ba’e en gacmihii xukuumadii lagu aaminey ee loo dhaariyey in ay ka odayeyso oo bad-baadiso oo ku qaybiso sife cadaalad ah oo sharciga wadanka u-yaala waafaqsan.
 
9) – Waxaa Xukuumada  Fadeexad qaawan iyo Ceeb ugu fillan lacagihii Mallayiinka Doolar ahaa ee xaqal-qalinka ahaa ee ay ka qaadatey Shirkadihii Sahaminta Batroolka oo ay ugu horeyso shirkadii wadanka ka baxdey ee Genal Energey iyo shirkadihii kale ee ay qiratey in ay heshiisyo  la gashey kuwaas oo ay ka midka ahaayeen shirkadaha shidaalka ee DNO, ASDAN, RAAS-GAAS iyo AVEAL.kuwaas oo aan baarlamaanka la hor keenin.
 
10) – Waxaa cadaan ah in ay xukuumada qaar ka mid ah xub-naheeda ugu culusi ay ganacsato isu rogeen oo ay hantii ummadda baahan ku-mameen qaarna ay shirkado wakiilo u-yihiin si qarsoon iyo cadaan ahba, qaarna ay shirkado hor leh oo cusub oo iyaga weel u-ah ay u-sameysteen qandaraasyada wadanka si ay ugula shuraakooban gacan-wadaagleyda ay sameysteen ee xukuumada ku-milmey iyaga oo weliba shacabka durbaan been ah u-garaacaaya oo kolba dhagax-aan la dhameys-tireyn meel u-dhigaaya oo shugux-shugux iyo waxbaanu dhiseynaa ku maaweelinaya. Waana iyaga iyo Allahood!!
 
11) – Waxay ku fashilantey xukuuumadani mideyntii iyo u-xaqsoorkii shacabkii doortey ee dirtey taas oo sababtey in ay hogaamin kari weydo xukuumad ahaan dhacdooyinka ka dhaca Gobolada Bariga Somaliland.Waxay noqotey xukuumad ka aradan dawlad wanaaga ka dib markii ay ku wada tumatey Dimuqraadiyadii, geedi socodkii , qorsheyaashii himilooyinkii iyo higsigii qaranka, Xuquuqul insaankii, xoriyatal-qowlkii iyo wada shaqeyntii hayadihii dastuuriga ahaa. Taas oo dhawaan aduunka laga wada daalacdey xukuumada oo si cadaan ah faraha ugula jirta xeer hoosaadyadii gudiyadii Golaha baarlamaanka. waxay xukuumadani si qaawan u-baalmartey farahana ula gashey unugii ugu sareeyey dawladnimada JSl oo ah Dastuurka Qaranka, waxaana ay si qariban ugu milantey sadexdii dhar-dhaar ee dawladnimada S/land ku fadhidey ee kala ahaa ( xeer-dejin, Fulin iyo Garsoor ) taas oo ay dhamaan meesha ka baxdey is-xisaabintii iyo Xil-g udashadii dawladnimo.
 
12)- Waxaa ummadda Somaliland wada daalacatey oo u- fiirsadeen siyaabaha ay u-socoto maamul-maareynta hawl-maalmeedka xukuumada waxaana waxgaradka fogaan araga ahi isku wada raaceen in hogaanka xukuumadu aanu weli ka xoroobin aragtida gaaban ee is kooxeysiga iyo xaafadeysiga ku saleysan , Taas oo aaney tusin weli xukuumad ahaan shacabkii dirtey ee doortey karti siyaasadeed oo hufan oo ku saleysan feker buuxa iyo aragti dheer laakiin uu xaalkeedii ku soo ururey oo noqdey himbiriirsi, dhafan-dhaaf, dhalaan habaabis,musuq-maasuq xadkii dhaafey iyo boob hantidii yareyd ee ummadda wax loogu qaban lahaa.

13 ) – Maadaama ay xaqdaro tiro badani ay wadanka ka dhacdey intii ay xukuumadani gadhwadeenka ka aheyd Somaliland, maanta iyo haatana ay faraha la gashey Golihii baarlamaanka ee sharci dejinta ahaa oo ay dhawaan ka bilowdey mooshino jujuub ah, khilaaf iyo duufaano siyaasadeed oo dabin isu maleeg ah , waxa ay arintani ay wadanka ku keeni kartaa cawaaqib xumo iyo in gacan ka hadalka qof qofka ahi uu isu bedelo dagaalo sokeeye oo qarxa, alleh ha inaga hayee.
 
 Guntii iyo-Gebogebadii:  Siyaasada guracan ee xukuumada Siilaanyo  waxay lumisey haykalkii, hanaankii iyo karaamadii dawladnimo,taasna waxaa cadeyn kuugu filan  qobadan aan kor kaga soo dhawaajiyey iyo sidii ay ka yeeshay xukuumadu Doorashadii  G.degaanka  ee ay ku-boobtey una afduubtey ilaadadii iyo rabitaankii shacabka S/land, Taas oo raad ma guuraan ah ku yeelatey guud aan shacabka reer Somaliland. dhaxalkii dhacdooyinkaa aan kor ku soo taxey waxay keenayaan in ay aad iyo aad ugu adkaan doonto shacabka reer S/land  sidii  dib loogu  aamini lahaa xukuumada Siilaanyo doorashooyinka is-barkan ee fooda inagu soo haya.maadaama ay riiqdii ay reebtey doorashadii hore ay weli inoo huursan tahay.Danta guud ee Somalilandna  waxay ku jirtaa mar-walba iyo maantaba  in xal la raadiyo oo wadanka la bad-baadiyo laguna soo daba alo midnimo qaran iyo kefedii miisaanka ee sharciga aheyd. 
 
Alleh ayaa Mahad Leh,
Wehelkiinu Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Intensive ED BD BA
United Kingdom