Tirsigii 69 aad, Waa Yaabe Goormaa xukuumadina ay xukuumad noqoneysaa, Baarlamaana uu Baarlamaan madaxbanaan noqonayaa? Qalinkii A/rahman fidhinle

 

Dear editor,scww
Fadlan maqaalkan webka noo geli sidii caadiga inoo aheyd,adiga oo aad iyo aad ugu mahadsan sida sharafta iyo karaamada leh ee aad noola shaqeyso mar-kasta iyo waqti-walba. KZKKHR.
Tusan iyo Tixgelin
A/rahman fidhinle
London
Golaha Wakiilada oo ay ku jiraan qaar xaaraan ah oo is-xanbaar ah oo aan iyaga la soo dooran hadana laga fadhiyi la yahay xaf-xaftooda ayaa waxay ka kooban yihiin 82 xubnood. G.wakiiladu waa hal-bowlaha qaranimada JSL, waana xubno muhiim ah oo ka mid ah 3-da dhar-dhaar ee ay salka ku hayso dawlanimada  S/land. Golaha Wakiiladu waa goobta ugu sareysa ee sharci deginta dawlada halkaas oo lagu abuuro shuruucda ka dibna lagu ansixiyo oo lagu meel mariyo sharciyada ay abuuraan iyo kuwa ay soo unugto golaha fulinta oo xukuumadii ah.
Hadaba waxaa ceeb iyo fadeexad laf jab ku ah Dimuqraadiyada iyo qadiyadii  ay Somaliland  ku taameysey mudada dheer in maata ay xukuumadii kool koolinta iyo kobcinta dimuqaraadiyada geedi socodka Somaliland laga filanaayey ay ku kacdey  fara gelin qayaxan iyo fashilaadahan hoose ee Qaran jabka ah ee  Qaawan, Qalaalan, Qariban,Qafaalan ee Qoofalan.
1- Waxay xukuumadeena hadhdacaaran ay geed gaaban iyo mid dheerba  u fuushey  sidii ay uga dhabeyn lahayd hanjabaadeedii,
 hamigeedii iyo hiyigeedii aan bireysneyn ee uu wasiirka madaxtooyadu uu kaga hugmey ee kaga hadaaqey xafladii dhawaan madaxweynaha loogu qabtey wadanka Ingiriiska magaaladiisa  Liverpool. taas oo uu wasiirka madaxtooyadu  isla markii  uu wadanka gaadheyba uu wadhaf muran, murugo iyo laaluush ah uu ku dhextuurey Golihii baarlamaanka oo shaqo maalmeedkoodii gudanaaya.
2 – Waxaa shacabkii reer Somaliland ay wada daalacdeen in mooshinada duduuca ah  iyo duufaanada dabin isu maleega ah  laga soo abaabulaayey xeydaabka madaxtooyada iyo guriga madaxweyne kuxigeenka Somaliland, taas oo la isku sii wada raacey in guriga madaxweyne ku xigeenku uu ahaa goobta uu mar walba ka soo burqanaayey unuga khilaafka hadheeye Golaha wakiilada. “ileen dabna kelidii ma baxee! .”
3-Waxaa xukuumadu cadeysatey in gudoomiyaha G.wakiilada ay doonayso in cod hoose oo sahlan oo 42 ah in laga dhigo in xilka lagaga xayuubin karo halkii uu hore u ahaa 55-ka cod kadibna ay isku cod noqdaan labada gudoomiye ku xigeen ee kale oo iyagu 42 cod  in ay kursiga ku waayi karaan loo codeeyey. nuxurka ama  siyaasada ka danbeysaa  khilaafkan hadheeyey waqtigan G.wakiiilada ayaa ah in Gudoomiyaha Golaha.wakiilada Mudane: A/rahman ciro kursiga gudoomiyenimadiisa in la rux-ruxo oo hadii uu liicana  laga qaado gudoomiyenimada maadaama uu isagu yahay musharax madaxweyne ee xisbiga wadani.
4- Waxaa fishilaad iyo fadeexad qaawan ku ah xukuumada Siilaanyo in ay hantidii shacabka baahan wax loogu qaban lahaa ay ku kala iibsaneyso Xildhibaanadii  G.wakiilada si ay ufuliso mooshinada duudsiga iyo duduuca ah ee ay dabada ka riixeyso ee ay danteeda u-aragto.
5-  Waxaa shacabka  reer S/land wada dareemay in qaar kamid ah wasiirada xukuumadu ay iyana u tafo xeyteen  sidii xildhibaanada  ka soo jeeda beelahooda  ay laac, lacag  iyo laaluush ugu-luli lahaayeen si ay mooshinka xukuumadu wadato ay xaga hore  uga-saxeexaan.
6- Waxaa wax garadka foogigan ee fogaan araga ahi ay isku raaceen in aaney gudidii dhex-dhexaadintu aaney maandheyt ka haysan qolada Gudoomiyaha G.wakiilada ee  A/rahman Ciro raacsan waxaana  la dareemay in ay gudidii xaga xukuumada u-xagal daacayaan. waana  iyaga iyo allahoode!
Hadaba  fara gelintaa qaawan ee qoofalan ee  mooshinada gacmo ku rimiska ah ay xukuumada Siilaanyo ku hurineyso duufaanada siyaasadeed ee dabin isu maleega ah ayaa ah dhamaantood qaar silan, sidkan oo baalmarasan Dastuurkii wadanka u-yaaley.Waxa waxgaradkii ummadda reer Somaliland uwada cadaatey in ay xukuumada  ka go’an tahay in ay daciifiso awooda golaha baarlamaanka,lana baabiiyo madaxbanaanidii Golaha baarlamaanka ,ka dibna ay xukuumad ahaan iyadu maamusho oo qacanta ku qabato maajooratiga Golaha Wakiilada si aan loola xisaabtamin oo aan xilgudashadooda loogu dabo gelin ama aan xil-kaxayuubin ( impeachment ) loogu soo oogin madaxweyne Siilaanyo hadii uu gudan waayo shaqadii loo igmadey.Waxaa nasiibdaro ah in xukuumadii ku fashilantey in ay ka turjunto danaha, duruufaha  iyo baahiyaha baahsan ee shacabkii doortey ku habsadey laakiin uu xaalkeedii noqdey oo uu ku soo ururey  dano shaqsiyaad ah, dano kooxeysi iyo xulufeysi ah iyo dano bucadnimo iyo boob aduun ah oo  ganacsi waqti dheer leh ku  saleys an.
Danta guud ee Somaliland  waxay ku jirtaa maanta iyo mar-walba  in xal  la raadiyo oo wadanka la bad-baadiyo laguna soo dabaalo maamuus,midnimo qaran iyo kefedii miisaanka ee sharciga aheyd, Waxaa danta guud ee qaranku ku jirtaa in sadexda dhar dhaar ee wadanku ka kooban yahay oo kala ah (Xeer-dejin, Fulinta iyo Garsoorka) ay kala madax banaanaadaan si ay dabo gal iyo is-xisaabin ay isugu kantaroolaan shaqooyinkii loo igmadey ( check and balance ) waxaana hada shacabka reer Somaliland ee gudo iyo debedba la gudboon in la taageero oo talooyin lagu biiriyo Shirka Dood Cilmiyeeda Qaranka ee ay xisbiyada mucaaradka ee  qaranku ku baaqeen si loola xisaabtamo xukuumadan xadhkaha goosatey oo miisaanka sharciga loo saaro xukuumadan dheelidey ee dhiilihii awrka u-saarnaa ay dhinaca uun u-sii ciirayaan maalinba maalinta  ka danbeysa.
Alleh ayaa Mahad leh,
Waa-Lahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Towfiiq
Wehelkiin Waa Alleh & Nebi (scs)
Qalinkii A/rahman Fidhinle
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London