Tix gabaya oo gaaban: Ka dalbada balaayada xirsoow waa u bilataa

cabdiweli
Waxaan hakan ka salaamayaa dhamaan saxaafada xorta ah iyo akhristayaasha sharafta leh.
Ku soo dhawaada afaraydan aan ku hoga tusaynaayo Wasiir xirsi oo ay ku cadaatay inaanu wax haba yaraatee aqoona u lahayn siyaasada
Ka dalbada balaayada xirsoow waa u bilataa
Beryo kama maqnaato e dhakhsay ugu bilawdaa
Beenaale iyo waa dishaa booli kii cuna
Boqor iyo miskiin kama cafido wixii ay boobeen
Baalna kama martee daalin kay beegsataa abid
Mid waliba waxuu beertay bay bidho tadhaah daa
Tuugo uma badheedheen nin ogi tii babuutoba e(1)
Baanka tii u tiil iyo macunin bayd waxuu dhigaye
Bilyanadii ma celin faraanse iyo bilgamtaa yurube
Bahdii  carabta waxay maal xadeen baaba baa xigaye
Baqdaadigii gacamaha taagi jiray buush-baa qawlalaye(2)
Bahalkii qadaafiba ka carar bakhaaradii dhemantu u tiile
Boqor shaah aduunyadan ka tali waana baydadaye(3)
Barwaaqada intaa lagu jiraad birin birqaysaaye
Abaaraha markuu boodhku kaco beerka yaad dhigiye
Bohol looma qodo ruux adiga kuu badbaado ahe
Banjar bay ahayd dawladani  buuqna waa jiraye
Bili kama sokayn maalin tuu boolasha u xidhaye(4)
Cara berito rada ha is cuneen baaqigii hadhaye.
1-Babuuto boqorkii hore ee kongo
2-Sadaam xuseen
3-Boqor Shaahan shaah ee iran
4- Cabdiraxmaan Ciro
NB gabaygani ma dhama ee la socda qaybta dambe.
Waabilaahi tawfiiq
Cabdiwelli yalas.