U DULQAATA MAALMAHA…By Maxamuud Cismaan Faarax(Moholin)

2/2/2014

MOHOLIN

WAXA AAN SALAAMA-YAA

WAR-BAAHINTA XORTA AH

GAAR AHAAN SALAAN-MEDIA

WAA MAANSO KA QAYBA

SILSILADDA GARBADIIR

AAKHIR-KANA ABWAANADA KU LE

INTAASI WAX SHEEG UGU FILAN

CIDDII WAX MAQLAYSA EE INOO MADHXIYA

AKHRIS WANAAGSAN

 

Deel maanso wuxu yidhi

Dhex u ihi dad weynaha

Dunidaan u simana-hay

Dadka aan colownee

Digtaatoor umadax yahay

Isma deyno weligood

Dimquraa-dinima-diyo

Ilaa uu direys-keed

Dusha saaro mooyee

Lama yeesho deris iyo

Dana noo dhexee yoo

Col daahii go,aan nahay

Dira diraha maan ihi

Dab ushida balaa yee

Ka dawee -yabaan ahay

Waxa ii dabee-cada

Dulmibaan ag taydaba

Ku lahayn dar-yeeliyo

Debec aan ku eegoo

U dubaax-sho jiidh-kuna

Kula jiri dagaa-loo

Ilaa uu ka duma-yana

Weerarada isdaba-yaal

Ku duqeeya-baan ahay

Xiddigaha dushoo-diyo

Dayaxaa agtii-saan

Feleg-yada isdaba mara

Ka helaa duruus-too

Diira-dayda dheer-baan

Intoodii denbii-la ah

Degdeg ugu arkaa-yoo

Deeqdan uu (RAXMAAN) keen

Dadka qaar ku beeree

Maskax-diisu dihataa

Xidha dabinadee-doo

Daalin tuuga mooyee

iima galo ka daacadi

Kol hadduu la duulana

Xumaan uma dul-qaatoo

Dubba-haygu saaraa

Dawarsiga ka xada yiyo

Qaraamaad dilaalaha

Derbi jiif ka dhacayee

Duudsiya agoomaha

Waa ka daraya-dayduba

Neef-siga udiidaa

Duul-ka ii warrama yee

Dabaylaha waree-giyo

Hawadaa durduri-saa

Ka damqada dhibaa-too

Ayakaa daliil qoran

Marka uu habeen dumo

Ee laba dalool tegey

Yay abwaan-ka door ka ah

Ku dejaan rugtii-soo

Isna hawshan loo diray

Ma dayaco xilkeedee

Siday tahay u daadihi

Marka weeye ducadana

Dadka laga aqbala oo

Waatan ay dar-badan tixo

Waxaan iman u deexdaan

Geed ubax dilaa-ciyo

Doobi xoor-ku buuxiyo

Meel xareeddu dixtiyo

Damal hadhac qabow-baa

Dhowaan lagu dekay noo

Ool dulin ku qariyaa

Diga roga shadii-sii

Durba sahan ku uu helay

Danbar keeda dhayda ah

Ayaa darata maandeeq

Dhammaan-teen durduur-badan

Loo diyaarin gaawaha

Daala-cayga moorada

Iyo minan is dacal yaal

Markay dooda-hoodii

Caam-ahaanba daymada

La shireen dushaa-sare

Dooc dhammays-tirkoo-dii

Malaf kii dahaadh-naa

Igu-deyste qaar kii

Daftar kii markaan furay

Xaashi diilin teedii

Sir yaroo daboo-layd

Aan faduul isugu deyay

Bal wax dana inaan helo

Saxeex-baa ku dug naa

Iyo markhaati daahira

Soona diray fariin-taa

Dihin-baa godlana yoo

Gubaa hoori lagu dego

Damqa-shaa dhammaa-noo

Xaqaa daaha laga furi

Kii dareeli-laabaa

Isna duub ka loo xidhi

Dammaa-shaad ka soo maqan

U sii gura durbaanada

Duruu fahan yaree jira

Daba yaaqo soogale

Inta qalin daraa-lee

Dawli-yeen abwaan-nadu

Ka nadiif-san deel-qaaf

Anna waxan ku dara yaa

Badan bay dirqi ahayd

Doobir bay-se leeda-hay

Intii daran-ba sheeg tee

U DUL-QAATA-MAALMAHA

 

CURIYE  .  WAA . MOHOLIN