Ujeeddo: Canbaareyn TV.ga UNIVERSAL

Ujeeddo: Canbaareyn TV.ga UNIVERSAL

Universal-TV 1

Aad iyo aad waxa aan u canbaareynayaa TV-ga UNIVERSAL aflagaadada uu ku sameeyay Madaxweynaha qaranka Somaliland Mudane Ahmed Mohamed Mahamoud Siilaanyo waxana aan ku raacsanay madaxda Somaliland xayiraada ay ku soo rogtay, waxa kale oo aan halkan hanbayo uga dirayaa axsaabtayda Cawke ,Cabdisalan Hereri  , madaasho Amina Muse Weheliye iyo dhamaan xubnaha kale ee iska casilay.

 

Sidoo kale waxa aan usoo jeedinayaa masuuliyiinta TV-ga Univesal oo runtii ahaa Tv gii ugu horeeyay ee qurbajoogta ku haddasha afka soomaaliga ay daawato in uu wax ka bedelo habdhaqankan guran ee uu ku socdo hadda, taas oo lumisay sumcadii TV-ga .

 

Alla Mahad Leh

 

Hussein Mohamed Ali ( Hussein Wadadyare)

Guddoomiyaha Jaaliyada Somaliland ee Jönköping

Ahna kuxigeenka dalada guud ee Jaaliyadaha Somaliland ee Sweden