Ururka Al Shabaab oo digniino u jeediyay shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho

alshabab344

Ururka Al Shabaab, ayaa dadka reer Muqdisho ugu yeedhay in ay isaga fogaadaan Xarumaha Dowladda Federalka ee Soomaaliya, ay ku lee dahay Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Waaliga Ururka Al Shabaab ugu magacaaban Gobolka Banaadir Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal), ayaa wuxuu sheegay in dadka reer Muqdisho ay kaga digayaan xarumaha Dowladda.

Sidoo kale dadka weli deggan Xeendaabka Dowladda, ayuu ugu baaqay in ay markale ugu celinayaan in ay isaga fogaadaan, si aynaan hadhow waxyeelo uga soo gaadhin weerarada ay ka geysanayaan.

Waaliga waxa uu shacabka ugu yeedhay in ay garab siiyaan Ciidamada Ururka Al Shabaab, sidoo kalana ay la dagaalamaan Ciidamada Dowladda iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom.

In ay dagaalamaan shacabka reer Muqdisho, ayaa waxa uu ku tilmaamay arrin waajib ah oo laga doonaayo in ay gutaan sida uu yidhi, markii uu sheegay in dalka uu heysto cadow.

Shabaab, ayaa waxaa lagu eedeeyaa inaanay u diir naxayn shacabka Somaliyeed, isla-markaana ay ku caan baxayn daadinta dhiigga Ummada Muslimiinta ee Soomaaliyeed.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya wuxuu Shabaabku ku eedeeyay in ay beegsanayaan goobaha ay ku badan tahay bulshada, isla-markaana ay muujineyso sida ay ugu fashilmeen dagaalka, lagula jiro.

Salaanmedia/Mogdisho