Ururka Al Shabaab oo xayiraadii ka qaaday Isgaarsiintii Gobolada Jubbooyinka

alshabab344

Ururka Al Shabaab, ayaa waxa uu galabta dib u fasaxay Isgaadhsiintii teleefanada ee ka jirtay Gobolada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe oo leesku yiraahdo “Jubbooyinka”.

Al Shabaab, ayaa Sabtidii hawada ka saartay gebi ahaanba Isgaadhsiintii khadka teleefanada gacanta ee ka jirtay Jubbooyinka, markii uu is maan-dhaaf soo kala dhex galay iyaga iyo Maamulka Shirkadda Isgaadhsiinta ee Hormuud.

4-tii galabnimo ee maanta, ayay dadka reer Kismaayo dib ugu suurta gashay in ay isticmaalaan adeegga teleefanada gacanta, iyadoo xilligaan uu si rasmi ah u shaqeynaayo Isgaarsiintii Magaalada Kismaayo.

Degmooyinka Jilib iyo Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe, ayaa sidoo kale waxa iminka si rasmi ah uga shaqeynaaya Isgaarsiinta, markii ay Shabaabku dib u fasaxeen.

Tani, ayaa ka dambeysay shirar gaar gaar ahaa oo Ururka Al Shabaab iyo Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Hormuud, ay ku yeesheen Degmooyinka Baraawe iyo Jilib.

Dhanka kale Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud, ayaa waxay maanta hawada ka saartay gebi ahaanba Adeegga Mobile Internet, markii uu cadaadis xoog leh ka soo fuulay dhinaca Shabaabka.

Saraakiil ka tirsan Hormuud Telecom, ayaa ku waramaaya in uu cadaadis xoogan ka soo fuulay dhinaca Ururka Al Shabaab, laguna khasbay in ay joojiyaan Adeegga Mobile Internet.

Salaanmedia/Mogdisho