Ururka Midowga Mareegaha Somaliland Ee Somaliland Online Association (SOA) Oo Cambaareeyey Talaabada Ay Shirkada TELESOM Shaqada Kaga Eriday Sadax Suxufi.

MAQAAL

Ururka Midowga Mareegaha Somaliland Ee Somaliland Online Association (SOA) Oo Cambaareeyey Talaabada Ay Shirkada TELESOM Shaqada Kaga Eriday Sadax Suxufi.

“Waxaannu ugu baaqaynaa Shirkadda TELESOM inay raalligelin iyo weliba magdhow ka bixiso talaabada  Saddexda Suxufi ee ay Shaqadooda kaga eriday, kuna soo noqto Saaxadda Miyir-qabka iyo habka ay u wada dhaqmaan Shirkadaha Ganacsi iyo kuwa Warbaahineed,”Warsaxafadeed. Ururka Midowga Mareegaha Somaliland ee SOA

Hargeysa():-Ururka Midowga Mareegaha Somaliland ee Somaliland Online Association (SOA) ayaa waxa uu cambaareynayaa talaabada ay shirkadda TELESOM shaqada kaga caydhisay sadexda Suxufi ee kala ah Cabdifataax Ismaaciil Mursal, Faysal Xiis Weerar (Afgaab) iyo Cabdiqaadir Ismaaciil Baaruud (Askar),kuwaasoo Shirkadda Telesom awgeed looga eryey shaqadii ay ka hayeen Wargeyska Somalilandtoday,isla markaana waxay ugu baaqeen shirkadda TELESOM inay magdhow ka bixiso tacaddiyada, dhibaatada ay kula kacday Suxufiyiintan.

Sidaa waxay Ururku ku sheegeen War-Saxaafadeed qoraal ah oo ay caawa soo saareen, waxaanu u dhignaa sidan:

“Aniga oo  hadlaya Magaca Ururka Midowga Mareegaha Somaliland (Somaliland Online Association), waxaannu si kulul u cambaaraynaynaa Tallaabo ugub ku ah ama ku cusub Warbaahinta Somaliland iyo Shirkadaha dalka-ba oo ay Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM shaqada kaga caydhisay saddexda Suxufi ee kala ah Cabdifataax Ismaaciil Mursal, Faysal Xiis Weerar (Afgaab) iyo Cabdiqaadir Ismaaciil Baaruud (Askar),kuwaasoo Shirkadda Telesom awgeed looga eryey shaqadiay ka hayeen Wargeyska Somalilandtoday 07/02/2014.

Laga soo bilaabo 07/.02/2014 Ururka Midowga Mareegaha Somaliland (Somaliland Online Association) waxa uu u kuurgelayey, baadhis iyo xog-ururinna ku sameeyey sababta keentay in saddexdaa Suxufi oo Shaqadoda ay Wargeyska Somalilandtoday ka hayeen kala ahayd Cabdifataax Mursal Tifaftire, Faysal-Afgaab Weriye (Madaxa Wararka) iyo Cabdiqaadir Askar Bogga Milicsiga iyo Bogga Ciyaaraha ee Wargeyskaas.

Muddadaa labada toddobaad ka badan waxa uu Ururka Midowga Mareegaha Somaliland (Somaliland Online Association) xaqiijiyey, si cadna u ogaaday in 3-daa Suxufi uu galaaftay War Wargeyska cadadkiisii 239 ku soo baxay maalintii Jimcihiii 07/02/2014, kaasoo Ciwaankiisu ahaa Bahwadaagta TELESOM ee Muqdisho oo heshiis la gashay Al-Shabaab, Bah-wadaagtaas oo dabcan ah Shirkadda Isgaadhsiinta ee Hormuud Tel oo ka jirta dalka Soomaaliya.

Taasoo aan la beenin Karin, isla markaana aan la dafiri Karin in labada Shirkadood ee TELESOM iyo HORMUUD-ba saamiga ugu badan mulkiyaddooda uu leeyahay Ganacsade u dhashay dalka Soomaaliya oo aanay been ahayn inay bah-wadaag yihiin labada Shirkadood, Heshiiska Hormuud iyo Al-Shabaab galeenna aanu been ahayn ee uu ahaa wax xaqiiq ah oo jira oo ay Warbaahinta caalamka iyo ta Soomaaliduba faafisay.

Hase-yeeshee, TELESOM oo ay u furnaayeen waddooyin kale oo ay cabashadooda hadday cabasho caadi ah qabaan, waxay ku dhaqaaqday inay heshiis dhaqaale wada-galaan Guddoomiyaha Wargeyskaas oo ay Cadaadis ku saartay in laga takhalluso saddexdaa Weriye shaqada ay Wargeyskaas ka hayeen, taasoo caddeenteeda ay innagalan tahay in Masuuliyinta Shirkadda TELESOM natiijada ah in Shaqada laga eryey Saddexdaa Suxufi ay ogaayeen Salaaddii Casar ee isla Jimcahaas warku Wargeyska ku soo baxay, halka ay Weriyeyaasha shaqada laga eryeyna ogaadeen toddobadii fiidnimo ee habeenimadii Sabtidu sogalaysay, ka dib markii ay Warqadaha Shaqada lagaga eryey ugu tageen Xafiiska Wareyska oo ay si caadi ah ugu shaqo-tageen si ay u soo saaraan Caddadkii Wargeyskaas ee Sabtida soo bixi lahaa.

Waxaana Subaxii Sabtida Wargeyska ku soo baxay qoraal raalli-gelin, cudur-daar iyo in warkaasi qaldamay, xogahaas iyo kuwo kale oo jira markii aannu ogaannay waxaannu Urur ahaan si guud iyo si gaar ahba u cambaaraynaynaa Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM, oo tallaabada ay qaadday aannu u aragno tacaddi, cadaawad iyo wax ku cusub Warbaahinta Somaliland. Waxaannu sidoo kale cambaaraynaynaa Masuuliyiinta Warbaahinta ee dhego-nuglaanta u muujinaya faro-gelinta ay Shirkaduhu kula kacayaan Hay’adohooda Warbaahineed, iyaga oo ka faa’iidaysanaya faa’iidada dhaqaale ee ay dalka iyo dadka Somaliland ka heleen.

Waxaannu ugu baaqaynaa Shirkadda TELESOM inay raalli-gelin iyo weliba magdhow ka bixiso tacaddiyada, dhibaataynta iyo cadaawadda ay kula kacday Saddexda Suxufi ee ay Shaqadooda ka ayay, kuna soo noqto Saaxadda Miyir-qabka iyo habka ay u wada dhaqmaan Shirkadaha Ganacsi iyo kuwa Warbaahineed, aad iyo aad baanannu uga xunnahay, una dhaleecaynaynaa tallaabadaas ay TELESOM kula kacday Weriyeyaashaas.”

 

Ururka Midowga Mareegaha Somaliland Ee Somaliland Online Association (SOA