“Waa Nasiib-Daro In Xisbiyada Mucaaridka Ah Loo Diido Qolka VIP-da Madaarka Hargeysa, Guddoomiyaha Baarlamaanka Xamar-Na Lagu Soo Dhaweeyo” Jamaal Cali Xuseen

Daawo Muqaal:JAMAAL CALI HUSEIN OO BOOREMA KHUDBAD TAARIKHI AH KA JEEDIYAY KANA HADLAY CARUURTII YARYAREED EE SCHOOLKA LAGASOO DARERIYAY LAGUNA KHASBAY INAY MADAXWEYNE SIILANYO SOO DHAWEEYAAN. DAAWO.

Hargeisa(SM)Musharaxa madaxwaynaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan talaabo-kasta oo lagu soo afjarayo khilaafka siyaasadeed ee dalka jira, kaas oo xusay inaanay xukuumadu daacad ka ahayn heshiisyada lagu soo gabo-gabeynayo xiisada Baarlamaanka.

Musharaxa madaxwaynaha UCID Jamaal waxa uu sidoo kale nasiib-daro ku tilmaamay in guddoomiyaha Baarlamaanka Muqdisho Mr Jawaari in loo furo qolka VIP-da madaarka Hargeysa, isaga oo tilmaamay in madaxda xisbiyada qaranka loo diiday oo hogaamiyayaasha Xamar-na loo fasaxay inay ku nastaan meelo aan iyaga loo ogolayn.

Jamaal Cali Xuseen waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi khaas ah oo uu Wargeyska Haatuf xalay khadka telefoonka ku siiyey isaga oo magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer ku sugan, waxaanu yidhi isagoo arimahaasi ka hadlaya “Qoladan Xildhibaanadda ah ee dantii ummadii soo dooratay eegaynin ee kolba wixii lacag lagu siiyo ku dhaqaaqaya ee shalay-na in labada ku xigeen  in 42 cod lagu ridi karo u codeeyey maantana u codaynaya in guddoomiyaha golaha wakiilada la rido oo ee ay dawladu u soo adeegsanayso waxaan ku talin lahaa in maxkamad la soo taago, waayo waa masuuliyiin aan mawqif lahayn oo bulshadii u codaysay khiyaamaynaya. Dhaqanka xildhibaanadaasi aan sheegayo waxa uu cadeeyey in marka horeba raga labada dhinac ee is haya isku diray inay iyaga yihiin”.

Jamaal Cali Xuseen mar wax laga waydiiyey faraqa u dhexeeya xidhibaanadda wakiilada ee wakhtigan iyo kuwii ka horeeyey ee beelaha Somaliland laga soo doortay, waxa uu yidhi “Walaahi faraq-wayn ayaa u dhexeeya xildhibaanadii hore iyo xildhibaanada hada oo nimankii hore  waynu garanaynaa oo ilaa wakhtigii madaxwayne Cigaal (AHN) waxaynu xasuusanaa inay xilka ka qaadi gaadheen oo uu cod aan u yar kaga bad-baaday, markaa madaxwayne Cigaal waxa lagu xasuustaa isagu wakhtigaas ay golaha wakiiladu ku kacsanaayeen muu dhex-galin oo isaga oo karaya inuu kala qaybiyo ayuu hadana sharciga wadanka ilaalinayey laakiin dawladda Madaxwayne Siilaanyo aad ayey ugu milantay oo faro-galin badan ayey ku haysaa baarlamaanka. Qolyahan wakiilada ee dalka waalayaa waxaan leeyahay bulshadu ha takoorto xildhibaanadda dhaameelka ee xaalad abuurka samaynaya markasta oo khilaafka iyo mushkiladdaba aabaha iyo hooyada u ah”.

Sidoo kale mar wax laga waydiiyey mawqifkooda la xidhiidha heshiiska saddexda qodob ah ee lagu soo afjarayey khilaafkii baarlamaanka, waxa uu yidhi “In la heshiiyo waa wax wanaagsan oo inaanu qalalaase dalkeena ka dhicina waa wax inoo wanaagsan dhamaanteenba, mar walbana waanu soo dhawaynaynaa anagu in la isku yimaado oo laga wada hadlo khilaafka jira. Hadiise aan ku soo noqdo wixii keenay arintani, marka horena anigu waxaan u arkaa inuu ahaa qalalaase aan haboonayn oo waanu cambaaraynaynaa qalalaase kasta oo dalka lagu mashquulinayo isla markaana xaalad lagaga abuurayo. Mida kale waxa dalkeena ragaadiyey xildhibaano si ay lacag u samaystaan xaalad dalka ka abuuraya”.

Musharaxa madaxwaynaha UCID Jamaal Cali Xuseen mar uu ka hadlaya guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Mr Jawaari oo la sheegay in loo furay qolka VIP-da madaarka Hargeysa, waxa uu yidhi “Nasiib-daro ayaanu u aragnaa in anaga oo muwaadiniin xisbi-qaran hogaaminaya-na in naloo diido in naloo furo qolka VIP-da ee madaarka Hargeysa, isla markaana magaalooyinkii dalkayaga ee aanu taageerada laxaadka leh-na ka haysanay in nalaga hor-joogsado oo xushmadii iyo qiimihii madaxda axsaabta qaranku lahaayeen ay dawladu iyada oo iska indho-tiraysa ay kaantaroolada u joogsato xisbiyada mucaaridka. Markaa waanu cambaaraynaa oo waa nasiib-daro Somaliland ku dhacday ayaanu leenahay in guddoomiyihii Baarlamaanka Xamar loo furo qolka VIP-da madaarka madaxda xisbiyada qarankana loo diido inay ku nastaan isla madaarkaasi oo dhacdooyinkaas oo dhami waa fawdada ay xukuumadda Kulmiye ee talada haysaa ay ummadda ku hayso”.

Salaanmedia/Hargaysa
Haatuf