Waa Sheeko Tariikh Iyo Murugo Xambaarsan.Qaybta 1aad. BY :- ILham Faleebo

Waa Sheeko Tariikh Iyo Murugo Xambaarsan.Qaybta 1aad. BY :- ILham Faleebo

ilhaan faleebo(2)Waxay ahayd hooyo reer Somaliland ah Kaltuun Abdi waxay qurbaha jirtay 21sano, waxay qoxoonti ku ahayd Ethiopia 3sano, Alhamdulilah waxay nasiib maanta u heeshay in ay dalkeedi oo nabada ku soo laabato.. Anigu waxaan nasiib u yeeshay in ay ii sheekayso in badan oo marka ay ii sheekaynaysay aan iska ooyay in badan….. waayo sheekadeeda ayaan u dulqadan wayay runtii. waxay tidhi waxaan waayay Ninkaygii iyo wiilkaygii curad… waxay ahayd Abaaro 6 subaxnimo markii guriga waa magalada Hargiesee,ay iigu soo dhaceen askar hubaysan, oo ka mid ahayd taliskii siyaad bare.

waxaa markiiba ay gacanta ku dhigeen ninkaygi waxay isku dayeen in ay badhaan guryaha qololka kale qolkii ugu horeyey markay galeen wiilkayga oo ahaa 18jir ayaa ka soo hor baxay oo naxsan isagana way qabteen.. oyaga oo baadhistii kuguda jira ayaa waxaan dib ugu noqoday qolkii uu hurday wiil kale oo an dhalay oo ahaa 14 jir waxaan ku dhex riday ayay tidhi sanduuq wayn oo dharka aanu ku guran jirnay.. markii aan arkay in ay ragga xafada jooga gaar u ururinayaan.. markii ay Nin kale ka wayeen xafada ayay inta ay garaceen ka xaysteen ninkayagii iyo wiilkayagii yaraa waxaan wayay meel ay geyeen oo aan ugu hagaago Nolol iyo geero midkoodba maan heelin….

mudo 5 cisho ka soo wareegtaay ayaa waxaa SNM oo sagleen Wadanka waxaa Bilaabmay dagaladii Ay iskaga hor imanayeen SNM iyo Faqashtu,, waxay tidhi waxaan shacabka iyo caruurta matida ah la gu yidhi ka baxa magalada Hargiesa oo waanu qaxnay anigu ciyaal aan xambaro maan hasayn oo wiil kayga kaliya ee isoo hadhay waa 14jir waxaan isku dayay in aan cawiiyo hooyoyinkii xafada aan la dagana sidii aan caruurtoda mid kamida aan ugu xambari lahaa oo aan u cawin lahaa……………

tolow reer kaas ay la qaxday ee ay cawinayso waa ayo?!!!!

La socoo qaybaha danbe
Bintu Somaliland
ILham Faleebo