Waan Ka Xumahay In Wasiirradu Dumiyaan Nabad-gelyada Ay Masuulka Ka Yihiin”Af-hayeenka Dhallinyarada Talo Iyo Tawfiiq‏

Afhayeenka TTSabti, Feb 22, 2014 Hargeysa(SM)-Aniga oo ah Af-hayeenka Dhallinyarada Talo iyo Tawfiiq, waxa aan hore u soo saaray qoraal aan ku cambaarayno xadhig sharci-darro ah oo ay Xukuumaddu kula kacday Guddoomiyaha Guddiga Guurtida Talo iyo Tawfiiq Md Xasan Xuseen ee lagu doortay Shiweynihii Daallo.

Gudaha ka daawo 

Waxa aan ka xumahay oo aan si xooggan u cambaaraynaa, in taas lagaga jawaabo kicinta iyo adeegsiga kooxo dhallinyaro ah oo igu qaaday weerar gacan-ka-hadal ah. Falka la maleegay waxa uu duminayaa amniga iyo nabad-gelyada uu xilku ka saaran yahay Xukuumadda Somaliland. Mar haddii uu sidaas loo dhaqmayana, lama qaadi karo masuuliyad iyo waajib ummadeed.

Meelna dastuurka Somaliland iyo sharciga kagama jirto inuu nin madax ahi ku tunto xuquuqda dadka uu waajibku ka saaran yahay. Waxa aan Farriin u dirayaa Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamuud Siilaanyo oo aan leeyahay “Madaxweyne ragga aad igmatay waxa ay ku tacaddiyayaan shacabkii aad hoggaanka u ahayd, haddii aad naga qaban-weydana, annaga ayaa iska qaban”.

Ugu dambayntii waxa aan baaq u dirayaa dhallinyarada idman, muwaaddiniinta ah ee ay sida indho-la’aanta ah ugu guurayaan wasiirro ka tirsan xukuumaddu isla markaana lagu guubaabinayo in ay hadh-cad igu boobaan Hargeysa. Hore ayaa loo yidhi “Nin labaatan jir ahi, inta uu laan uu ka boodo, ayuu talo ka boodaa”, nabadgelyadu waa danteenna oo innaga ayaa ku nool. Walaalleyaal, nin aan idiin furi doonin, yaanu idiin rarin.

Si gaar ah waxa aan farriin u gaadhsiinayaa barbaarta idman ee u dhego-nugul kooxaha ku jira Golaha Wasiirrada, waxaanan u sheegayaa in ay siyaasadda iyo tolnimadu yihiin laba kala duwan. Si gacaltooyo lehna waxa aan ugu dardaarmayaa inay dhexdhexaad ka ahaadaan hirdanka socda. Walaallayaal, ha ku hafannina duufaannada siyaasadeed iyo dabinnada ay idiin dhigayaan kuwa aad gardaadshaha u haysataan.

Xasan Axmed Xasan (Dhako)

Af-hayeenka Dhallinyarada Talo iyo Tawfiiq

Tell: 0634425184

janaax1@hotmail.com