Daawo Sawiro…Xisbiga Waddani laantiisa dalka Toronto Canada oo kulan ay yeesheen Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo usoo jeediyey….

WADDANI TORONTO :CANBAARAYN,TAAGEERO,WAANO& HANBALYO.
 
Waxa  Kulan balaadhan iisugu yimmid  xubno ka mid ah  haldoorka Somaliland ee degan  magaalada Toronto iyo taageerayaasha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI. Waxay ka falanqoodeen Marxalada  adag ee Somaliland ku jirto  iyo jaahwareerka siyaasadeed. Dood dheer ka dib waxaa laysla gartay  qodobada hoos ku xardhan :
 
1. Canbaarayn:  Waxaanu  si adag u canbaraynaynaa fargelinta qaawan ee Xukuumadu ku hayso hawl maalmeedka shaqo ee  Golaha Wakiilada, Waxaanaanu ugu baaqaynaa inay si degdeg ah faraha ugala baxdo..
 
2.Taageero  : Waxaanu taageero buuxda la garab taaganahay  Gudiga dhexdhexaadinta ee  Golaha Guurtidda, Gudiga aqoonyahnadda, iyo Gudiga Abwaanadda . Go’oan kasta oo ay  dantu  ugu jirto Somaliland  oo ay gudoomiyaana waxaanu ku talinaynaa  in sideeda  loogu dhaqmo.
 
3.Waano;  Waxaanu ku waaninaynaa   Madax-dhaqameedka   iyo bahda saxaafada inaanay  shaadh qabiil iyo shaadh xisbi midna u gelin khaliaaf ku kooban  xeer- hoosaadka iyo habsami u sucodka hawlaha Golaha wakiiladda. Waa in laga fogaado wax kasta oo  ku salaysan caadifad qabiil iyo caadifad xisbi.
 
4.Hanbalyo : Waxaanu hanbalyo  iyo bogaadin u diraynaa xildhibaanada sida geesinimda leh uga soo horjeestay qorshaha xukuumadu ku curyaaminayso Golaha sharcidejinta ee ku fadhiya codka iyo kalsoonida shacabka soo doortay. Waxaanu ugu baaqayna bulshadda Somaliland inay ilaashaaan  nabadgelyadooda kana digtoonaadan xaalad abuurka ay wado Xukuumado si ay waqtiga ugu korodhsato.
 
Wa bilaahi towfeeq
XISBIGGA  WADDANI, Toronto.
wad1 wad2