Wakiilka Qaramada Midoobey Ee Soomaaliya Nicholas Kay “Waa Muhiim In La Horumariyo Tayada Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed”

Wakiilka Qaramada Midoobey Ee Soomaaliya Nicholas Kay “Waa Muhiim In La Horumariyo Tayada Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed”

Daawo Muqaal.Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arimaha Somalia iyo Somaliland.

Ergayga_UN_ka_ee_Somalia_KayFeb 01,2014 Muqdisho(SM)-Wakiilka Qaramada Midoobe ee Soomaaliya Danjire Nicholas Kay, ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in loo baahan yahay in la horumariyo tayada Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Wakiilka wuxuu sheegay in Ciidanka Dowladda ay muhiim u yihiin jiritaanka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, sidaasi daraadeedna uu ku baaqaayo in kaalin weyn laga geysto dib u dhiska Ciidanka Soomaaliyeed.

Danjiraha wuxuu sheegay in Ciidamada Amisom aynaan ebid jooggi doonin dalka Soomaaliya, ayna Soomaaliya isaga bixi doonaan marka uu waqtigooda dhamaado.

“Ciidamada Amisom weligood ma jooggi doonaan Somaliya, dhamaantood waa ay baxayaan marka uu dhamaado waqtigooda.” ayuu yiri Nicholas Kay.

Sidoo kale wuxuu xusay in Ciidamada Amisom ay iminka muhiim u yihiin hawlgalka Nabad Ilaalinta, balse ay ka sii muhiimsanaan laheyd, iyadoo horumarin lagu sameeyo tayada Ciidanka Soomaaliya.

“Xilligaan joogitaanka Ciidamada Amisom waa lagama maarmaan, in ay sii wadaan hawlgalka Nabad Ilaalinta, waxaase ka muhiimsan in la horumariyo tayada Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.” ayuu sii raaciyay Mr. Kay oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho.

Salaanmedia/Mogdisho