War Deg-deg ah: Boliiska Ceerigaabo Oo Kuguulaystey Caawa Dib U Qabashada Mid Ka Mid ah Kooxdii Dhaawacyada U Geysatey Weriye-Darwiish

image

Ceerigaabo(SM) Ninkan oo fiidnimadii caawa boliiska Ceerigaabo ka qabteen goob ka mid ah goobaha dhallinyaradu ku qayisho ayaa lagu magcaabaa Fool Caynab. Wuxuna ka mid ahaa koox Weriye-Darwiish laba habeen ka hor abbaara 10:00 pm weerar kusoo qaaday halkaasna dhaawacyo culus oo weriyahani u jiifo ku gaadhsiiyey haseyeeshee isagu ahaa mid isla goobtii boliisku ku qabteen balseMaayorka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo adeer run u ah ayaa ninkan si badheedh ah saldhigga dhexe ee boliiska Ceerigaabo shalay subax kala baxay oo baabuurkiisa ku qaaday taasoo uu fududeeyey Taliyaha saldhigga dhexe boliiska Ceerigaabo oo isaga laftiisa maayorku adeer u yahay gurigiisana kusoo noolaan jirey, kaddibna sidii ayuu suuqa ugu dhuumaalaysanayey ninkani.

Arrintan qabashada ninkan ayaa ka danbaysey kaddib Taliyaha Qaybta Boliiska G/Sanaag (Gacmayare) ka hawl galay sidii ninkani gacanta boliiska dib ugu soo geliaa taasoo amaanteeda iyo mahadnaqeedaba uu isagu leeyahay. Waxana la filayaa laga bilaabo maalinta burrito in ninkan la qabtay sharciga la hor geyn doono.

Salaanmedia/Ceerigaabo