War Deg Deg Ah: Dawladda Somaliland Oo Dalkeeda Ka Mabnuucday Tv-ga Universal, Sheegtayna Inay Maxkamad La Tiigsan Doonto.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo sheegay in khilaafkii wasaaradda ka jiray lasoo xaliyey.

(SM-Hargaysa) Xukuumadda Somaliland ayaa maanta ku dhawaqday inay gabi ahaanba shaqadii uu dalkeeda ka hayay ka joojisay Telefeeshinka Universal-tv. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo goor dhaweyd shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa, ayaa shaaca ka qaaday inay ruqsadii kala noqdeen Tv-ga Universal. Waxaana hadaladiisi kamid ahaa.

 

“Waxaan halkan ku cadaynaaya in maanta laga bilaabo Tv-ga Universal  aanu kala noqonay ruqdasii uu kaga shaqaynayay waddanka Somaliland, kadib markii uu cay iyo aflagaado badheedha kula kacay Madaxweynaha qaranka Somaliland, waxaanu ognahay in Tv-gaasi xarumo laga siiyay Magaaladda Muqdisho, oo ay u dhistay Xukuumadda Soomaalia, ma ogolaan doono in laga caayo Madaxweynahayaga. Waxaanu la tiigsan doona Maxkamad sharciya”. Geesta kale wuxuu Wasiirka Warfaafinta Somaliland sheegay in Telefeeshinka Univesal  hore gefef badheedha ugu gaystay shacabka iyo waddanka Somaliland, taaso keentay inay heshiisyo iyo qoraalo kala saxeexdaan Mulkiilaha Tv-ga oo Hargysa yimi, balse nasiib darro dhammaan wixii lawada galay uu jabiyay, wuxuua markale yidhi Wasiirku. “Ragg qawlba xidha, waxaanu haynaa faylal iyo qoraalo aanu ka saxeexnay Mulkiilaha Tv-gaas, oo halkan Hargaysa yimi oo ay kamid ahayeen been abuur iyo gefefkii Buhoodle iyo Kalshaale uu ka baahiyay, iyo Sawiradii Aljazira ee uu isku kab kabay, dhammaan arrimahaas oo dhan wixii aanu kala qoranay wuu jabiyay.

Dhinaca Kale Wasiir Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) wuxuu sheegay in Saxaafadda Somaliland gudaheeda ka hawlgasha ee ka diwaan gashan wadamo kale ay kula dhaqmi doonaan xeerarka caalamiga ah, Wasiirka Warfaafinta Somaliland wuxuu sidoo kale ka hadlay wadahadalkii u dhaxeeyay waddamada Soomaaliya iyo Somaliland, iyo arrimo kale.

Arrintan Somaliland kaga mabnuucday dalkeeda Tv-ga Universal ayaa ka danbeysa aflagaado qaawan oo Telefeeshinkaasi u gaystay Calanka iyo Madaxweynaha Qaranka Somaliland, taas oo si weyn uga cadhaysiisay badi shacabka rer Somaliland. Waana markii labaad ee Tvga Universal laga mabnuuco waddanka Somaliland muddo saddex sanno ah.

Salaanmedia/Hargaysa